Ololaha Musharaxa Madaxweyne 2017ka Dr. Saciid Ciise Maxamud Aqoonyahan Leh Hogamin Qaran

Ololaha Musharaxa Madaxweyne 2017ka Dr. Saciid Ciise Maxamud Aqoonyahan Leh Hogamin Qaran

0
SHARE

Xildhibaanada qarankow

Dhurwaaga Dhulkeena Ka Soo Dhiciya

  • Shisheeyuhu Midnimada Shacabkuu Burburkeeda Curiyaa
  • Shisheeyuhu Midnimada Islaanimada Iyo Soomaalinimaduu Dhaqanrogaa
  • Shisheeyuhu Qowsaaruu U Adeegsadaa Iskhilaafinta Shacabka
  • Shisheeyuhu Dagaalada Sokeeyuu Dalka U Abaabulaa
  • Shisheeyuhu Dalkuu Ka Qixiyaa Dadkiisa Waxgaradkaa
  • Shisheeyuhu Shacabkuu Ku Maaweeliyaa Dhismo Dowladey Doonayaan
  • Shisheeyuhu Saldhigyo Ciidanuu Dalka Ku Qabsadaa
  • Shisheeyuhu Madaxda Dalka Yuu Dulsaaraa Dalaalintiisa Rasmigaa
  • Shisheeyuhu Doorasho Beenabuuruu Dalka Ka Hirgeliyaa
  • Shisheeyuhu Dulucdiisu Waa Daldalashada Dalka Kheyraadkiisa
  • Shisheeyuhu Raaliyuu Ka Yahay Dhagarta Deriskeena
  • Shisheeyuhu Cunuhuu Ku Dhegen Yahay Dhismaha Ciidan Qaran
  • Shacabka Soomaaliyeed Ha Dareemo In Dalkooda La Haysto
  • Shisheeyahu Dantiisu Waa Dalkoon Ka Bixin Tuugsiga Kaalmada Shisheeye
  • Shisheeyuhu Siyaasad Masrixiyeed Aan Waxqabad Lahayn Ayuu Dalka Si Dadban Ugu Maamushaa
  • Shisheeyuhu Doqontuu Ka Dhigaa Halyey Dalkiisa U Soo Baxay
  • Shisheeyuhu Caaqilada Dalka Ayuu Dadka U Tusaa Daalimiin Dalkooda Duminaya
  • Shisheeyuhu Dalabkoodu Waa Danahooda Wakiilada Ugu Dadaalaya Meelmarintooda
  • Shisheeyuhu Uma Daneeyaan Dimoqaraadiyad Ku Dhaqanka Dowlad-Wanaaga Dalalka Kale
  • Shisheeyuhu Waxey Daacad U Yihiin Dowladaha Ay Wadaagaan Ku Dhaqanka Ku Dhisan Kala Sareynta
  • Shisheeyuhu Waxey Diidan Yihiin Soomali Mideysan Oo Ismaamulkooda U Madaxbanaan
  • Shisheeyuhu Waxey Soomaalinimda Kula Jiraa Isir Naceyb Iyo Dagaal Diimeed Dadban
  • Xildhibaanada Qaranku Ha Ka Dhiidhiyaan Dhibaatada Shisheeyuhu Ku Hayaan Dhulkeena
  • Shisheeyaha Durugsan Iyo Kan Deriska Nala Ah Waxba Dalkeena Iskuma Dooriyaan
  • Soomaali Dalkeeda Maxaa Ka Dhigay Madi Iyo Midaan Lahayn Saaxiib Dhow Oo Dhaba?

Qosolka Dhurwaaga Yaan Lagu Qaldamin

Damu-Jadiid Dulmigooda Dadku Ha Diidaan

  • Damu-Jadiid Hogaanxumo Ayey Dalka Taladiisa Ku Cuuryamiyeen
  • Damu-Jadiid Dowladnimada Dalka Ayey Musuqmaasuq Ku Maamuleen
  • Damu-Jadiid Dhaqaalaha Dalka Ayey Sida Qoys Boqortooyo u Milkiyeen
  • Damu-Jadiid Mushaarkii Milateriga Ayey Ku Dhaceen Doorashada Dadban
  • Damu-Jadiid Qabyo Iska Daaye Lama Arag Waxey Qabteen oo Muuqda
  • Damu-Jadiid Doorashada Ayey Si Dadban Madaxtooyada Uga Maamusheen
  • Damu-Jadiid Qoondada Haweenka Ayey Qodbosiro ku Qaateen
  • Damu-Jadiid Dowladnimadoodu Waa U Adeegida Danta Qoysaskooda
  • Damu-Jadiid Waxqabadkoodu Waa Qiyaano Qaran iyo Boobka Hantida Qaranka
  • Damu-Jadiid Hiigsigoodu Waa Ku Tiirsanaanta Tuugsiga Kaalmada Shisheeye
  • Damu-Jadiid Dalka Ayey Ka Hirgelisey Musuqmaasuq Toosan oo Noqday Ganacsi Xora
  • Damu-Jadiid Waxey Dadka Ku Fulisey Dilal Qorsheysan iyo Xukun Kelitalisnimo
  • Damu-Jadiid Waxey Dibusoocelisey U Guulwadeynta Madaxda Qaranka
  • Damu-Jadiid Shaqsi-jecleysi Ayey Xukuumado Darteed u Dumisay
  • Damu-Jadiid Dadka Waxey Baday Gaajo iyo Abaar Aan Dabeeci Ahayn
  • Damu-Jadiid Waxey Curisay Ganacsato Burcada oo Ay U Adeegsato Laaluush Qaadida
  • Damu-Jadiid Dadka Waxey Gelisey Rajoxumo, Kalsoonidarro, iyo Balanfuryo Badan
  • Damu-Jadiid Waa Axdi-Beenaalayaal Fulin Waayey Balanqaadyadii Ay Galeen
  • Damu-Jadiid Taloxumadoodu Waxey Dalka Gelisey Aayotiinxumo iyo Mustaqbal Mugdiya
  • Damu-Jadiid 6deeda Tiir Waxey Ka Turjumayeen Mashruucyo Wada Dadban: Xatooyo Dadban, Qabiil Dadban, KMG Dadban, Kelitalisnimo Dadban, Xildhibaan Dadban, iyo Madaxweyne Dadban
  • Damu-Jadiid Dalka Waxey geliyeen Gumeysi Dadban iyo Xaaraan Ku Naaxid
  • Damu-Jadiid Waxaa Lagu Arkay Aqoondarrida oo Ka Guuleysatey Aqoonta
  • Damu-Jadiid Waxaa Laga Dhaxlay Madax Daroogeysan oo Ku Mashquulsan Safaro Dibeda
  • Dadku Ha Diido Dibindaabyada iyo Dulmiga Damu-Jadiid Ineysan Dib Ugu Soo Laaban
  • Dhalinyarada Dalka Ha Dareemaan Damu-Jadiid Iney Duudsiisay Xaqa Jiilkooda.

Ha La Diido Dulmiga Dumiyey Qaranimada Dalka

Waxaan Ka Soo Horjeednaa Aafooyinkan Diley Dowladnimadeena

  • Waxaan Diidanahay Dalkoo Ku Tiirsanaada Tuugsiga Kaalamada Shisheeye
  • Waxaan Diidanahay Ciidanka Qaranka Oo Hoos Taga Talisyada Ciidamada Shisheeye
  • Waxaan Diidanahay Qabyaaladda Oo Noqota Dastuurka Ay Ku Dhaqanto Dowladdu
  • Waxaan Diidanahay Koox-Diimeedyo Diinta U Adeegsada Kelitalisnimo Siyaasadeed
  • Waxaan Diidanahay U Dulqaadashada Musuqmaasuqa Nuucyadiisa Kala Duwan
  • Waxaan Diidanahay Kala Sareynta Ku Saleysan Heybta Iyo Tirada
  • Waxaan Diidanahay Dib U Soo Noqoshada Shaqsiyaadka Ku Fashilmay Hogaaminta Dalka
  • Waxaan Diidanahay Xilalka Oo Lagu Xusho Shaqsi Jecleysi
  • Waxaan Diidanahay Boobka Iyo Xatooyada Lagu Hayo Hantida Qaranka
  • Waxaan Diidanahay Heybada La Huwinayo Dhagarqabayaasha Qiyaanay Qaranka
  • Waxaan Diidanahay Dalka Oo Martigeliya Saldhigyo Ciidamo Shisheeye
  • Waxaan Diidanahay Dhaqangelinta Heshiisyada Shisheeyaha Oo Kheyraadka Dalka Lagu Dhaxal Wareejinayo
  • Waxaan Diidanahay Soo Iibsiga Maandooriyaha Lagu Doorsanayo Dhaqaalaha Soo Gala Dalka
  • Waxaan Diidanahay Federaalka Been Abuurakaa Oo Ku Abtirsada Qabyaaladda
  • Waxaan Diidanahay Joogitaanka Ciidamada Deriska Oo Aan Daneyneyn Degenaanshaha Dalka
  • Waxaan Diidanahay Talada Dalka Oo Hoos Tagta Ururada Aan Dowliga Ahayn
  • Waxaan Diidanahay Darajooyinka Loo Dalacsiiyey Dembileyaasha Geystey Gaboodfalka
  • Waxaan Diidanahay Xilboobka Damu-Jadiid Ka Geysatey Doorashada Dadban
  • Waxaan Diidanahay Isku Dhexmilanka Garsoorka, Madaxtooyada, Iyo Baarlamaanka
  • Waxaan Diidanahay Xasanaadka La Siiyey Siyaasiyiinta Galay Dembiyada Lagu Qiyaanay Qaranka
  • Waxaan Diidanahay Adeegyada Dowladda Oo Ku Kooban Qoysaska Madaxda Dalka
  • Waxaan Diidanahay Sharciga iyo Dastuurka U Degsan Dalka Oo Dhaqangelintiisa La Dhinac Maro
  • Waxaan Diidanahay Dadka Oo Aan Loo Madaxbaneyn Ka Tashiga Ismaamulkooda
  • Waxaan Diidanahay Lacagta Oo Loo Adeegsado Wasaqeynta Damiirka Wanaagsan Ee Dadka
  • Waxaan Diidanahay Caburinta Dadka Loogu Diidan Yahay Ineysan Lahayn Maya Waxa Ay Diidan Yihiin

Aan Dareensanaano Mugdiga Dabooley Mustaqbalkeena

Yaan Loo Dulqaadan Hiilada Meelmarinta Iibsiga Qaranimada Soomaaliyeed

  • Waxaan Ogsoonahay Dalku Inuu Ku Jiro Burcadnimo Iyo Boob Qaawan
  • Waxaan Ogsoonahay Iney Jiraan Tacbanayaal U Nacamleeya Dalaaliinta Gadaya Bad Iyo Berriba
  • Waxaan Ogsoonahay Doorashooyinka Dalka Ka Dhacay Oo Dembiileyaal Guusha Ku Muteysteen
  • Waxaan Ogsoonahay Shisheeyuhu Iney Faraha Kula Jiraan Tartanka Musharixiinta Madaxweynaha
  • Waxaan Ogsoonahay Khatarta Aminidarro Ee Dalka Ka Jirta Oo Quusta Laga Joogo In Wax Laga Qabto
  • Waxaan Ogsoonahay Dadka In La Baday Gaajo Si Ay Ugu Nuglaadaan U Rukuucida Dhagarqabayaasha
  • Waxaan Ogsoonahay Mariinhabaabinta Beenabuurka Ah Iyo Borobagaandada Waxqabad Aan Waxba Ka Jirin
  • Waxaan Ogsoonahay Balanqaadxumada Madaxda Iney Fariin U Noqotay Iney Yihiin Beenlaaweyaal Raqiisa
  • Waxaan Ogsoonahay Dhaqangalka Hogaanxumo Ka Dhalatay Taloxumo Horseeday Kelitalisnimo
  • Waxaan Ogsoonahay Rajoxumo Iyo Kalsoonidarro Iney Kala Goysey Xiriirka Shacabka Iyo Dowladda
  • Waxaan Ogsoonahay Heybad In Lagu Helo Hagardaamada Lagu Hayo Qiyaanada Qaranimada Soomaaliyeed
  • Waxaan Ogsoonahay In Xagjiriintu Ka Maamul Wanaagsan Yihiin Dowlad Ku Sheega Ka Jirta Muqdisho
  • Waxaan Ogsoonahay Musharixiinta Xilboobeyaashaa Iney Soo Xusheen Ergooyinka Soo Dooratay
  • Waxaan Ogsoonahay Gudiyada Doorashada Iney Xoogeen Doorkii Xulista ee Hogaamiyeyaasha Dhaqanka
  • Waxaan Ogsoonahay Madaxda Maamul-Goboleedyada In Loo Madaxbaneeyey hiilada Musharixiinta Taageersan
  • Waxaan Ogsoonahay Xilboobeyaasha Iney Musharixiin Minxiisa oo maqaarsaara Doorashooyinka Keensadeen
  • Waxaan Ogsoonahay Xiliga Kala-Guurka Tuhunka Laga Qabo Dilal Qorsheysan Ee Dowladdu Maleegeyso
  • Waxaan Ogsoonahay Dhiilo Siyaasadeed Dalku Inuu Khatar Ugu Jiro Dib Ugu Noqoshada Dagaaladii Sokeeye
  • Waxaan Ogsoonahay Amnixumada Dalka Ka Jirta In Loo Adeegsado Xeelado Lagu Xalaaleysto Wakhti Kororsi
  • Waxaan Ogsoonahay Burcadnimo Iney Ku Dhexmilantay Ganacsatada Dowladda Oo Xilalka Musuqa Ku Yimid
  • Waxaan Ogsoonahay In Musharixiinta Lagu Qiimeeyo Hantidiisa, Adeegsiga Awooda Dowladda, Iyo Xirfadnimada Hantida Qaranka Lagu Boobo
  • Waxaan Ogsoonahay Hiilada Dowladu U Hayso Musharixiinta Qaar Iyo Colaada Ay Ku Caburineyso Kuwa Kale
  • Waxaan Ogsoonahay Mashaariicda Dhaqaalaha Loogu Talagalay Dalka oo Ku Soo Aruurtay Gacanta Hal Qoys
  • Waxaan Ogsoonahay UNku oo Qeyb Ka ah Ciyaar Masrixiyeedka Lagu Indhosarcaadinayo Rayiga Caalamka
  • Waxaan Ogsoonahay Damu-Jadiid Oo Doonaya Dhowr Musharaxiin Madaxweyne In Mid Uun U Meelmaro

Dantu Waa Isbedlel Ku Yimaada Hogaaminta Dalka

Hogaamiye Wejigiisu Cusub Yahay Cid Walba iyo Caalamkaa Jecel

  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Hogaan Qaran Oo Ku Dhisan Talowadaag
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Dowlad Qaran Oo Dadku Ku Mideysan Yahay
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Dhaqangelinta Dimoqaraadiyada Dadka
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Xaqiijinta Sinaanta Cadaaladda Bulshada
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Meelmarinta Xurmeynta Xuquuqda Dadka
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Helitaanka Xaqsoor Loo Wada Siman Yahay
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Kobcinta Horumarka Dhaqaalaha Dalka
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Xasilinta Siyaasadda Amniga Qaranka
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Caalamka
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Dhowrista Keydka Hantida Iyo Sirta Qaranka
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Dhisida Ciidanka Xoogga Qaranka
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Maxkamadeynta Dhagarqabayaasha Qiyaanay Qaranka
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Mamnuucida Cunista Qaadka iyo Ganacsigiisa Oo Dalka Laga Joojiyo
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Sifeynta Musuqa Ku Milan Maamulka Dowladda
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Ka Maarmida Tuugsiga Kaalmada Shisheeye
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Dadka oo hela Ka Tashiga Ismaamulkooda
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Doonista Dhulalka Soomaalida Ka Maqan
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Dibusoocelinta Gobolada Falaagoobey
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Dowlad Xoogan Oo Leh Midnimo Qaran
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Ka Maarmida Joogitaanka Ciidamo Shisheeye
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Xisbiyo Siyaasadeed Oo Tiro yar
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Hogaaminta Madaxweyne Iyo Ku Xigeenkiisa
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Duminta Qabyaalada Iyo Kooxeysiga Diinta
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Gaarista Adeegyada Dowladda Dalka Oo Dhan
  • Haddii La I Doorto Waxaan Doonayaa Inaan Dalka Ka Hirgeliyo Dibuheshiisiinta Shacabka Kala Irdhoobey

Ha Curto Dhaqdhaqaaqa Halganka Aqoon-Yahanka

Iftiiminta Madaxbanaanida Ismaamulka Dowladnimo Soomaaliyeed

  • Waxaa Ii Muuqata Ayaaaha Mustaqbalka Soomaaliyeed Oo Iftiimaya
  • Waxaa Ii Muuqata Ummadda Soomaaliyeed Oo Wadaagta Barwaaqosooran
  • Waxaa Ii Muuqata Soomaaliya Oo Ku Hormarta Soo Saarida Farsamooyinka Cusub
  • Waxaa Ii Muuqata Dalka Oo Wada Noqda Dugsiyo Loo Soo Doonto Aqoonta
  • Waxaa Ii Muuqata Dadka Soomaaliyeed Oo Hodontinimo Ku Wadanoolaada
  • Waxaa Ii Muuqata Magaca Soomaaliyeed Oo Maamuus Ku Yeesha Caalamka
  • Waxaa Ii Muuqata Dadka Oo Diida Dagaalka, Nabadna Ku Wada Noolaada
  • Waxaa Ii Muuqata Ubadkeena Oo Dhaxal Aayatiin Wanaagsan Leh Barwaaqo Ku Gaara
  • Waxaa Ii Muuqata Damiirka Soomaalida Oo Aysan Iibin Karin Lacagtu
  • Waxaa Ii Muuqata Soomaaliya Oo Dunida Looga Soo Shaqo Tago
  • Waxaa Ii Muuqata Shanta Soomaaliyeed Oo Hal Dal Ku Midooba
  • Waxaa Ii Muuqata Cududa Ciidanka Soomaaliyeed Oo Sare Kor Ugu Kaca
  • Waxaa Ii Muuqata Cadaalada Soomaaliyeed Oo Cidina Aysan Caarad Isdheereyn
  • Waxaa Ii Muuqata Soomaali Aan Kala Sareyn Oo Sare U Wada Kacda
  • Waxaa Ii Muuqata Soomaali Siman Oo Heybsoocu Ka Suuley
  • Waxaa Ii Muuqata Kacaanka Aqoonyahanka Oo Ku Guuleysta Hogaaminta Dalka
  • Waxaa Ii Muuqata Dadkoo Dinta U Arka Mid Keliya Fidnada Firqooyinkana Diida
  • Waxaa Ii Muuqata Dalaaliinta Dantoodu Tahay Musuqmaasuqa Oo Dadka Laga Takooro
  • Waxaa Ii Muuqata Adeegyada Dowladda Oo Dhamaan Dalka Wada Gaara
  • Waxaa Ii Muuqata Dadka Oo Ciqaab Mariya Dhagarqabayaasha Qiyaanay Qarankooda
  • Waxaa Ii Muuqata Shacabkoo Dibumidoobey Oo Si Dhaba Dibuheshiisiin U Dhexmartay
  • Waxaa Ii Muuqata Shacabkoo Ka Raystay Balanqaadyo Beena, Balanfuryo, Iyo Waxqabadxumo
  • Waxaa Ii Muuqata Hayadaha Amniga Oo Daacadnimo Ugu Adeega Gudashada Waajibaadkooda Qaran
  • Waxaa Ii Muuqata Dadka Oo Qofka Ay Dooranayaan Ku Qiimeeya Kartidiisa, Aqoontiisa, Iyo Daacadnimadiisa
  • Waxaa Ii Muuqata Dalka Oo Laga Qabto Ganacsatada Burcadaa Oo Dadka, Diinta, Iyo Dalka Iibka Geliyey

LEAVE A REPLY