Wareysi: Siyaasi Ku Baaqay in Xilka Laga Tuuro Gudoomiye Shariif Xasan

by Farah C/laahi | Thursday, Jan 12, 2017 | 108 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ku baaqay in xilka laga tuuro Shariif Xasan Sheekh Aadan oo lagu eedeynayo in uu ku fashilmay hogaanka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyaha Gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa la kulmaya mucaaradadii ugu weyneyd tan iyo markii uu xilkan qabtay.

Arrimaha ugu waa weyn ee lagu dhaliilayo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa kamid ah in uu ka gaabiyay dhismaha maamulkaasi, isagoo xitaa awoodi waayay in uu Magacaabo kuxigeenkiisa.

Todobaadyadan waxaa Shariif Xasan hareeyay kacdoon siyaasadiisa ka dhan ah, waxana ay ku baaqayaan siyaasiyiinta deegaanadaasi ka soo jeeda in xilka laga tuuro gudoomiye Shariif Xasan.

DHAGEYSI WAREYSI

Garsoor Online — MUQDISHO

Like it? Share it!

Leave A Response