Waa side Xaalada Muqdisho oo Maanta Doorasho ay ka dhaceyso?

by Farah C/laahi | Wednesday, Jan 11, 2017 | 76 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran iyadoo loo diidayo isticmaalka Gaadiid iyo dadka, waxana lagu arkayaa wadooyinka Ciidamo fara badan oo aad u xaqiijinaya Amaanka.

Wadooyinka qaar waxaa lagu jiray Ciid sidii buur oo kale loo dhisay, halka meelaha qaar la qoday, iyadoo u jeedku yahay in Gaadiidka aysan ka soo gudbin.

Arrimahaasi oo dhan ayaa ah kuwa lagu sugayo Amaanka Caasimada oo ay ka dhaceyso doorashada Afhayeenka Barlamanka.

Halka ay doorashadu ka dhaceyso oo ah Dugisga Booliska ee Janaraal Kaahiye waxaa la xiray dhamaan wadooyinkii galayay, waxana adag sida uu ku tago gaari ama qof aan la aqoon, fasaxna u heysan tagida halkaa.

Waxay u egtahay in Amaanka Muqdisho aad loo adkeeyay saakay, laakiin taa badalkeeda waxaa jira dad badan oo xaaladan ay ku keeneyso niyadjab iyo naceeb badan, madaama dadkii shaqooyinka aadi lahaa ay ku xayiran yihiin guryahooda.

Dadka qaar ayaa sheegaya in ay ku qasban yihiin ay ka soo lugeeyaan meelo fog fog si ay noolol maalmeedkooda u raadsadaan, hase ahaatee waxa xiran inta badan Meheradihii ganacsi ee Magaalada Muqdisho.

Tani waa dhaqan ka badalan wixii laga filayay dowladd afar sano iyadoon KMG aheyn dalka Maamuleysa, waxana dad badan ay isweydiinayaan, waxa xiligan keenay in dalka loo xiro doorasho iyadoo sanadkii 2012 doorashadii dalka ka dhacday aysan saameyn nolosha caadiga ah ee dadka.

Garsoor Online — MUQDISHO

Like it? Share it!

Leave A Response