Wareysi: Muxuu Tarsan Ka Yiri Doorashadii Gudoonka Barlamaanka Somalia?

by Farah C/laahi | Friday, Jan 13, 2017 | 106 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynanimo ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashadii shalay dhacday ay bilaw u tahay Isbadal Soomaaliya ka dhici doona.

Tarsan ayaa tilmaamay in Xildhibaana Soomaaliya ay muujiyeen karti dheeraad ah iyo tixgalinta rabitaanka Umadda Soomaaliyeed.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Guri kasta oo Soomaaliya ku yaalla laga dabaal dagay markii uu guul dareystay Faarax Sheekh Abdulqaadir oo saaxiib dhaw la ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Gudoonka cusub ee loo doortay Barlamaanka in ay la tashi la sameeyaan musharaxiinta ka hor inta aysan go’aan ka gaarin doorashada Madaxweynanimada Soomaaliya.

DHAGEYSO WAREYSI LALA YEESHAY TARSAN:

Garsoor Online — MUQDISHO

Like it? Share it!

Leave A Response