Siyaasada Gobolada Galmudug oo Mugdi Gashay iyo Gudoomiye Guuleed oo Ku Adkeysanaya Xilka

by Farah C/laahi | Tuesday, Jan 10, 2017 | 58 views

CADAADO (Garsoor Online) — Kulan ay maanta yeesheen 54 xubin oo ka tirsan Golaha Deegaanka gobolada Galmudug, uuna shir gudoominayay Kuxigeenka koowaad ee Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ayaa waxa ay kalsoonidii kala noqdeen Gudoomiye Guuleed, iyagoo ku eedeeyay in uu dayacay shaqadii loo igmaday.

Hase ahaatee, Cabdikariim Xuseen Guuleed Gudoomiyaha gobolada Galmudug oo shir saxafadeed ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sharci daro ku tilmaamay go’aanka ay gaareen Golaha Deegaanka gobolada Galmudug.

Cabdikariim Xuseen Guuleed waxa carabka ku adkeeyay in Goluhu fasax ku jiro, isla markaana dastuurku uu dhigayo in isagu uu furo fadhiga xiga ee Goluhu uu yeelan doono.

Gudoomiyaha Gobolada Galmudug ayaa war uu soo saaray shirka jaraa’id kaddib waxa uu xaalad deg deg ah ku soo rogay deegaanada Galmudug.

Dhanka kale, Cali Gacal Casir oo ah Gudoomiyaha Golaha Deegaanka gobolada Galmudug ayaa isna go’aanka ka soo baxay xubno golihiisa kamid ah ku tilmaamay sharci doro aan geed loogu soo ganban.

Inta badan xubnaha Golaha Deegaanka Gobolada Galmudug ayaa ku eedeynaya Gudoomiye Cabdikariim Xuseen Guuleed in uu ku fashilmay wax ka qabashada arrimaha deegaanada Galmudug.

Warar hoose oo Garsoor Online ay heshay ayaa tilmaamaya in hada uu socodo qoshe la doonayo in lagu soo xiro Kuxigeenka Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Gobolada Galmudug, kaasi oo ahaa nin shir gudoominayay kulankii xilka maanta looga qaaday Gudoomiye Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Garsoor Online — CADAADO

Like it? Share it!

Leave A Response