SAWIRO: Muwadin Soomaaliyeed oo Wasiir Ka Noqday Dalka Canada

SAWIRO: Muwadin Soomaaliyeed oo Wasiir Ka Noqday Dalka Canada

0
SHARE

TORONTO (Garsoor Online) — Ra’iisal Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa isku shaandheyn uu ku sameeyay golihiisa Wasiirada waxa uu u magacaabay Wasiirka Socdaalka Axmed Xuseen oo ah muwaadin ka soo jeeda dalka Soomaaliya  kana mid ah mudanayaasha baarlamaanka dalka Canada.

Axmed Xuseen ayaa sanadkii 1996dii galay dalka Canada isagoo qaxooti kana soo qaxay magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya,waxana uu noqonayaa Axmed Xuseen qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo ka noqday wadamada dunida ugu horumarsan wasiir.

Magacaabista Axmed Xuseen ayaa waxaa si weyn loogaga soo dhoweeeyay dalka Canada oo ay ku nool yihiin qaxooti badan oo Soomaali ah. Ra’iisal wasaaraha Canada ayaa sidoo kale waxa uu sidoo kale bedelay qaar ka mid ah golihiisa Wasiirada.

Garsoor Online — TORONTO 

LEAVE A REPLY