MD Galmudug oo Ka Hadlay Mooshinka ay Ka Gudbiyeen Xildhibaanada Maamulkaasi

by Farah C/laahi | Monday, Jan 9, 2017 | 55 views

CADAADO (Garsoor Online) — Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa ka hadlay mooshin ay ka diyaariyeen xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug.

Jawaabtaan ayuu Cabdikariin Guuleed bixiyay saacado kadib markii mooshin cusub ay ka gudbiyeen xildhibaanada Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug wuxuu ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka inay ka laabtaan mooshinka cusub, wuxuuna sheegay in xiligan aysan habooneyn in mooshin laga soo gudbiyaa.

Sidoo kale wuxuu sheegay in marxalado adag ay ka jiraan deegaanada maamulka Galmudug, kuwaasi oo u baahan in wax laga qabto. Xildhibaanada baarlamaanka ayuu sidoo kale u jeediyay inay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ku dhibaateysan deegaanada maamulka Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug oo ka careysan qoraal kasoo baxay Madaxweyne Guuleed  ayaa ku dhawaaqay shalay inay mooshin ka gudbiyeen madaxweynaha Galmudug.

Garsoor Online — CADAADO

Like it? Share it!

Leave A Response