Maxaan Laga Baran Karaa Dib u Doorashada Afhayeenka Barlamanka Jawaari?

Maxaan Laga Baran Karaa Dib u Doorashada Afhayeenka Barlamanka Jawaari?

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Waa wax adag in aad saadaal ka bixiso doorashada Madaxweynanimada ee dhici doonta maalmaha soo aadan, hase ahatee cashir ayay Soomaalidu ka barteen in dib loo doorto Afhayeen Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Doorashadii maanta ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka waxa ay aheyd mid muujineysa ififaalo dad badan aysan hore u fileen iyo mid dad quburo ah ay ka sii digayeen labadaba.

Xitaa doorashadii 2012kii waxa ay ka fududeed midii maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho, waxana ay bidhaan ka bixineysa halka ay wax u marayaan siyaasiyiinta isku fikirka ah ee hada talada dalka haya.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa guusha ku xaqiijiyay 141 cod, halka Cabdirashiid Xidig oo Isbadal doon ahaa uu helay 97 cod, waxana doorashadu ay ku dhamaatay hal wareeg oo kali ah.

Waxaa laga dheehan karaa wixii dhacay maanta, in Xasan Sheekh uu taageero u muujiyay dib u soo laabashada Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, taasi oo dhalin karta dagaal cusub oo dhexmara, Madaxweyne Xasan iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Cashirka ugu weyn ee laga bartay ayaa aheyd in markii ugu horeeyay Barlamaanka Soomaaliya ay dib u doortaan hogaankoodii afartii sano ee la soo dhaafay.

Soomaalida waxa lagu tilmaamaa umad jecel isbadalka hase ahaatee, doorashada Afhayeen Jawaari ayaa muujisay in cashirkaasi uu daaqada ka baxay.

Doorashada maanta dhacday waxa ay sidoo kale wadada u xaareysaa in Faarax Sheekh Abdulqaadir uu noqdo kuxigeenka 1aad ee Afhayeen Jawaari.

Sidoo kale waxay tani cadeyn u noqon doontaa in Xasan Sheekh Maxamuud uu ku soo laabto hogaanka Madaxweynanimada dalka.

Garsoor Online — MUQDISHO

LEAVE A REPLY