Gudoomiye Gaas oo Sheegay in Hoos Loo dhigay Dilalka Ka Dhaca gobolada...

Gudoomiye Gaas oo Sheegay in Hoos Loo dhigay Dilalka Ka Dhaca gobolada Puntland

0
SHARE

GAROOWE (Garsoor Online) — Gudoomiyaha Gobolada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa soo bandhigay waxqabadka maamulkiisa sanadkii tagay ee 2017ka, waxana uu sheegay in waxbadan uu u qabsoomay isaga iyo xogheynada la shaqeeya.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in ay guul weyn ka gaareen la dagaalanka Argagixisada, isagoo ku faanay in ay fashiliyeen falal badan oo ay soo maleegeen kooxaha Daacish iyo Al Shabaab.

Gudoomiyaha Gobolada Puntland ayaa carabka ku adkeeyay in hoos loo dhigay tirada dilalka ka dhaca deegaanada Puntland marka loo barbardhigo sanadkii ka horeeyay.

Daawo Shirkii uu Gudoomiye Cabdiwali Gaas ku qabtay Magaalada Garoowe:

Garsoor Online — GAROOWE

LEAVE A REPLY