Faah Faahin Ka Soo Baxaysa Xiisad Dagaal oo u dhexeysa Labo Beelood – Wareysi

by Farah C/laahi | Thursday, Jan 12, 2017 | 56 views

GADOON (Garsoor Online) — Gudoomiyaha deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay dilal salka ku haya Aanooyin qabiil oo ka dhacay halkaas.

Cabdi Axmed Yuusuf ayaa tilmaamay 5 ruux ay ku dhaawacmeen dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee salka ku hayay Aanooyinka qabiil, waxana uu muujiyay in ay wadaan dadaal ay ku hakinayaan colaadan.

Gudoomiyaha deegaanka Gadoon ayaa xusay in ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo xiisada hada taagan, waxana uu hoosta ka xariiqay in ay jiraan dadaale ay wadaan culimada iyo waxgaradka deegaanka.

Waxa uu ugu baaqay dhamaan dadka deegaankaa ku nool iyo kuwa ka soo jeeda in ay ka qeybqaataan hakinta colaada halkaa ka soo cusboonaatay.

Dhageyso Wareysi Lala Yeeshay Gudoomiyaha Deegaanka Gadoon:

Garsoor Online — GADOON

Like it? Share it!

Leave A Response