Doorashada: Xildhibanada Barlamaanka iyo Wafuud Caalami ah oo Kusii Qulqulaya Hoolka Doorashada

by Farah C/laahi | Wednesday, Jan 11, 2017 | 66 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Doorashada Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliya oo la filayo in saacadaha soo aadan ay bilaabto ayaa waxaa la soo warinayaa in Hoolka doorashada ay gaarayaan xubno kala duwan oo ka socda Beesha Caalamka.

Suxufiyiinta ku sugan Hoolka Doorashada ayaa sheegaya in Dublomaasiyiin caalami ah iyo Kormeerayaal fara badan ay ku sugan yihiin Madasha Doorashada, kuwaasi oo u kuurgali doono qaabka ay doorashadu u dhici doonto.

Sidoo kale Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku sii qulqulaya Hoolka Doorashada, waxana la dareemayaa jawi kala xod-xodosho ah oo ay sameynayaan xubna tartanka galaya.

Magaalada Muqdisho ayaa saacadiihii la soo dhaafay waxaa ka socday kulamo ay Musharaxiintu ku doonayaan in ay xildhibaanada codadkooda ku kala helaan iyagoo balan qaadyo u sameynaya xubnaha barlamaanka.

Doorashada Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa u tartamaya afar Xildhibaan, waxana ugu cad-cad labo kamid ah, kuwaasi oo kala ah Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo laga soo doortay Gobolada Jubbaland iyo Afhayeenkii hore ee barlamankii 9aad ahna xildhibaan laga soo doortay Gobolada Koofur Galbeed Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Dadka wax indho-indheeyaa waxa ay tilmaamayaan in doorashada wareegeeda labaad ay isugu soo hari doonaan Cabdirashiid Xidig iyo Jawaari, laakiin waxaa markasta la fili karaa in wax is badalaan.

Cabdifitaax Geeseey Gudoomiyihii hore ee gobolka Bay, ahna xildhibaan laga soo doorto gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa asna laga yaga yabaa in uu ku soo baxo doorashada maanta.

Garsoor Online — MUQDISHO

Like it? Share it!

Leave A Response