DEG DEG: Natiijada Gudoomiye Kuxigeenka 2aad oo Lagu Dhawaaqay

by Farah C/laahi | Thursday, Jan 12, 2017 | 134 views

MUQDISHO (Garsoor Online) —  Waxaa la soo afjaray Tirinta codadka musharaxiinta u tartamaya Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Barlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Natiijada Hordhaca ah ayaa muujineysa in uu kursigaasi markale dib u helay Mahd Cabdalla Cawad oo ka guuleystay xildhibaankii la tartamayay ee Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

Tani ayaa ka dhigan in Gudoonka Barlamaanka Soomaaliya wax badan uusan iska badalin, waxana dib u soo laabtay labo xubnood oo ka mid ahaa gudoonkii hore.

Gudigga Qabanqaabada Doorashada ayaa goordhaw ku dhawaaqi doona Natiijada doorashadii maanta dhacday.

Garsoor Online — MUQDISHO

Like it? Share it!

Leave A Response