DEG DEG: Farax Sheekh Abduqadir oo Laga Guuleystay iyo Natiijo Hordhac ah

by Farah C/laahi | Thursday, Jan 12, 2017 | 142 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Waxaa la soo gaba-gabeeyay tirinta codadka Musharaxiintii u tartamayay Kuxigeenka Koowaad ee Gudoonka Barlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Tiijada hordhaca ah ee hada soo baxaysa ayaa muujineysa in Kuxigeenka Koowaad ee Gudoomiyaha Barlamanka uu ku guuleystay Cabdiwali Sheekh Ibrahim Muudeey oo ka guuleystay Faarax Sheekh Abdulqaadir.

Cabdiwali Ibraahim Muudeey ayaa helay codod ka badan 139 cod oo ah kala bar Xildhibaanadii fadhiga ku sugnaa.

Waxaa hada socda tirinta codadka Gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Barlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, oo ay ku tartamayaan Mahad Cabdalla Cawad oo horay kursigaan ugu fadhiyay iyo Cabdilqaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

Garsoor Online — MUQDISHO

Like it? Share it!

Leave A Response