DEG DEG: Afhayeenkii Barlamaanka Soomaaliyaa oo Goordhaw Lagu Doortay Muqdisho

by Farah C/laahi | Wednesday, Jan 11, 2017 | 47 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Waxaa goordhaw soo gaba-gaboobay tirinta codadka doorashadii Afhayeenka Barlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, waxana soo baxaya natiijooyin hordhaca.

Inkastoo wali aysan Gudigu ku dhawaaqin Natiijada Rasmiga ah ayaa hadana waxaa soo baxay natiijooyin hordhaca oo muujinaya in Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu ku guuleystay xilkaasi.

Doorashada waxaa ku tartamayay Afar musharax waxana wareegii koowaad codad ka badan 140 cod heylay Jawaari waxana ku soo xigay Cabdirashiid Xidig oo helay 97 cod.

Garsoor Online — MUQDISHO

Like it? Share it!

Leave A Response