35 Ajnbi ah oo Maanta Lagu Maxkamadeeyay Magaalada Hobyo, Mudug

35 Ajnbi ah oo Maanta Lagu Maxkamadeeyay Magaalada Hobyo, Mudug

0
SHARE

HOBYO (Garsoor Online) — Wararka laga helayo Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ku dhawaad 35 xubnood oo Kaluumeysto Ajnabi ah Maxkamad lagu soo taagay halkaasi.

Kaluumeysatadan Ajaanibta ah ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay Ciidamada gobolada Galmudug, waxana lagu eedeeyay in si sharci daro ah ay uga kaluumeysanayeen xeebaha Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Maamulka gobolada Galmudug ayaa saxaafadda u sheegay in Ajaanibtan oo ka soo kala jeeda dalal ay ka mid yihiin Iiraan, Yemen iyo Sudan ay maxkamad ku soo taageen maanta Magaalada Hobyo.

Inkastoo aan faah faahin badan laga heyn xukunada lagu riday inta ay le egyihiin, hase ahaatee waxaa la sheegaya in sidoo kale la soo bandhigay doonidii ay wateen oo uu saaran yahay Kaluun tankiisu aad u badan yahay.

DHAGEYSO WARBIXIN KU SAABSAN MAXKAMADA:

Garsoor Online — HOBYO

LEAVE A REPLY