GARSOORNEWS.COM – Fastest Independent Somali News Source

Waa Barnaamijkii Qosolka Badnaa Ee MAAD IYO QOSOL oo Jimca Walba Aad Noogu Barateen Kusoo dhawaada

İstanbul (Garsoornews)–Dhamaan Akhristayaasheen Jimco wanagsan, Jimco Wanagsan Kusoo dhawaada Markale iyo Barnaamijkeen Maad İyo Qosol oo Maalin walba Oo Jimco ah aad noogu barateen inaa idiin soo Gudbino.
 
Barnaamijkaan waxa ka qayb qaadan kara dhamaan Asxaabta Ku xiran Website-ka iyo kuwa ku cusubba iyagoo inoo soo diri kara Sheeko walba ay haayaan, waxaadna igoogu soo diri kartaan Email-ladan hoose:
 
Garsoornews.com@gmail.com,      Webmaster@garsoornews.com.
Fadlan soona raaci Magacaga iyo Meesha joogto.
 
Sheekada ugu horaysa.
 
Nin Rer Baadiye Ah ayaa Qurbaha La geyay Habeen Asagoo Marqaansan Ayuu Gurigiisa Yimid Xilli danbe, Wuxuu damcay In Uu Musqusha galo Markaasu Furay Albaab Waxa u Shidmay İftiin hadana wuu Xiray Waxa Damay Nalkii Wuu Furay Markale Nalkii ayaa Darmay Asagoo Mucjisadaas la yaaban ayuu soo baxay oo iska seexday Subaxii Markii Waaga Baryay ayuu Xaaskiisii Ku yiri:
 
Gacaliso Waa Maxay Albaabka heleysan ee marka La xiro Nalka damayo Marka la Furana Nalka Daarmayo ?
 
Markaasay Ku tiri:  War Nacas Yahow Ma adigaa Qofka Talajada Ku Kaadiyay kkkk.
 
Sheeko Labaad.
 
Maalin ayaa waxaa safar wada galay oo hal diyaarad ku soo wada kulmay seddex madaxweyne. kuwaasoo kala ahaa Mdaxweynaha Soomaaliya, Ruushka, iyo Madaxweynaha Mareekanka markaa ka dib iyadoo diyaaradii hawada ku jirto waxaa xanuunsaday pilotkii diyaarada wadaayay markaasuu yiri sedexdiinaan ii sheega marka aan mid waliba maraayo wadankiisa si aan ugu dajiyo.
 
Diyaayada markay cabaar sii socotay ayaa Madaxweynaha Mareekanka Gacanta daaqada kala baxay oo faraha taalo dheer ku dhufsaday markaasuu yiri aniga halkaan ii jooji waa twin towerka.
 
Diyaarada ayaa sii duushay oo hawada sii gashay xoogaa markii ay sii socotay ayaa hadana kii ruushka daaqada gacanta kala baxay oo hawada baraf ka soo qabsaday wuxuu yiri isagana aniga halkaan ii jooji waa saybeeriya isagana halkaasuu ku haray.
 
Diyaarada way sii dhaqaaqday inta ay hawada gashay oo ay cabaar sii socotay ayaa gacanta sidoo kale daaqada kala baxay madaxweynihii soomaaliya markiiba waxaa laga furtay saacadii u xirneyd wuxuu yiri anigana halkaan igu reeb waxaad joogtaa Soomaaliya.
 
To Follow Our News You can Click www.facebook.com/garsoornews
 

You must be logged in to post a comment Login

Photo Gallery

Designed by Afrotech