GARSOORNEWS.COM – Fastest Independent Somali News Source

Somaliland oo mamnuucday Baabuurta Miraayadaha Madow

Hargeysa(Garsoornews)–Maamulka Somaliland ayaa mamnuucay in dadka Shacabka ah ay magaalada Hargeysa iyo Guud agaan Gobolkaasi ku dhex kaxaystaan Gawaari miraayadaha madow leh, si ammaanka deegaannada maamulka sare loogu qaado.
 
Taliska Ciidanka Booliska ee maamulka Somaliland, Cabdullaahi Fadal Iimaan ayaa dadweynaha uga digay in Gawaaridooda ay ku xiraan bacaha miraayadaha lagu dhajiyo ee beensal-ka loo yaqaanno.
 
Taliyaha waxa uu sheegay in arrintan looga gol-leeyahay sugida Amniga, isla markaana laga hortagayo in shaqsiyaad falal amni-darro gaystay ay ku dhuuntaan.
 
Wuxuu xusay in maalmaha soo socda ay Ciidamada ammaanka samayn doonaan howlgallo lagula dagaallamayo Gawaarida bacaha madow leh.
 
Cabdullaahi Fadal Iimaan ayaa shacabka ku nool deegaanada maamulka Somaliland uga mahadceliyay qaabka ay had iyo goor ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, hase ahaatee waxa uu ku boorriyay inay laba jibaaraan wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidanka.
 
Garsoornews.com
Warqabadka Hargeysa

You must be logged in to post a comment Login

Photo Gallery

Designed by Afrotech