Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga oo soo gaaray Magaalada Muqdisho
Muqdisho(Garsoornews)–Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ee soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Garoonka Aden Cadde International Airport kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Soomaaliya ahna Wasiirka arimaha dibada dalka Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo sidoo kale Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Garoonka kusoo dhaweyay iyo wasiiro kale.Wafdiga ayaa waxaa la sheegay in dhanka Magaalada loosoo galbiyay iyadoo ammaanka wadada xiriirisa KM4 iyo sidoo kale garoonka Muqdisho aad loo adkeeyay halkaasina lagu xiray marooyin ay ku xardan yihiin calanka dalka Turkiga iyo midka Soomaaliya.Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ayaa kulamo la qaadan doono masuuliyiinta dalka Soomaaliya iyadoo gobo kala duwan uu booqan doono.
Garsoornews.com Warqabadka Muqdisho












