GARSOORNEWS.COM – Fastest Independent Somali News Source

SHEEKO QOSOL BADAN:Waa Barnaamijkii MAAD İyo QOSOL Ee Ku Soo Dhawaada (Jimco Wanagsan)

İstanbul (Garsoornews)–Dhamaan Akhristayaasheen Jimco wanagsan, Maalin Wanagsan Kusoo dhawaada Markale iyo Barnaamijkeen Maad İyo Qosol oo Maalin walba Oo Jimco ah aad noogu barateen inaa idiin soo Gudbino.

Barnaamijkaan waxa ka qayb qaadan kara dhamaan Asxaabta Ku xiran Website-ka iyo kuwa ku cusubba iyagoo inoo soo diri kara Sheeko walba ay haayaan, waxaadna igoogu soo diri kartaan Email-ladan hoose:

Garsoornews.com@gmail.com, ama Webmaster@garsoornews.com. Fadlan soona raaci Magacaga iyo Meesha joogto.

Sheekada Maanta.

Macallin abuu waxaa uu ahaa macallimiintii wax ka dhigi jiray Dugsiyadii kuyaalay magaalada Marko, waxaana uu ahaa macallin wax ka dhigo Dugsigii JABRIIL MALLIN BAROOW ee magaalada MARKO, macallin abuu asal ahaan waxaa uu kasoo jeeday Qowmiyada Reer BARAAWE waxa uu ahaa macallin dhigo maadooyinka Carabiga iyo Xisaabta waxaana uu ahaa Macallin ay aad ujeclaayeen ardayda uu wax udhigo iyo waalidkoodaba.

maalin maalmaha ka mid ah ayaa macallin abuu isagoo fadhiyo xafiiska laga maamulo iskuulka ayaa waxaa soo dhacay TEL nasiib wanaag waxaa qabtey macallin abuu, Qofkii Tel soo diray iyo macallin abuu qisadaan ayaa dhexmartay

QOF TEL SOO DIRAY ””””””””””””’ HALOO
MACLLIN ABUU”””””””””””””””””””” HALLOO
QOF TEL SOO DIRAY””””””””””””” WAA KUMMA
MACALLIN ABUU””””””””””””””””””” KUMMI MAJOOGO ABUU WAAYEY
QOF TEL ”””””””””””””””””””””””””’ WAR KUMI, KUMMA AAN WAYDIININEE WAA KUMMA ADIGA
MACALLIN ABUU ”””””””””””””””””’ MA KU DHIHINOO ANIGA KUMI MA’IHI KUMANA MAJOOGO

Iyadoo TEL Qofkii soo diray iyo macallin Abuu ay isku wareersanyihiin ayaa waxaa soo galay Macallin kale markaas ayuu Tel udhiibay, si loogu jawaabo qofkii ayaa macallinkii kale uu ku qanciyay ugana jawaabay waxa uu rabay qofkii TEL soo diray.

Macallin abuu iyo macallinkii kale Tel markuu dhameeyay ayaa sheekadaan dhexmartey.
Macallin abuu waxaa uu waydiiyay macallinkii kale adiga lee maa aheed KUMMA???
Macallinkii kale ””’ Maya aniga kumma layma dhaho
Macallin abuu ”””’Aniga waxaa dhahay KUMMI majoogo Qof magiciisa ayaan umalaynaayey.
Macallinkii kale ayaa aad uqoslay oo ku yiri kumma magac ma’ahan ee waxaa loola jeeda yaa waayey ama waa Qofma.
Macallin abuu”” ayaa aad uqoslay oo yiri afsoomaali waa weenyahay,lakiin waxaa ka fiicneed inuu idhaho yaa waayey adiga?? intii uu dhihi lahaay waa KUMMA ,
Macallin abuu waxaa ku soo saaiday ku soo biiray afsoomaligiisa waa KUMMA oo uu aad ula yaabay.

AF Soomaliga hala yaabin waa Luuqad weyn oo maalinba qorayaasha cusub ay wax ugu soo daraan hadii sida Macallin abuu oo kale kugu dhacdo hala yaabin Akhriste.

Maalinkasta oo Jimco ah kala soco Sheekooyin Qosol iyo Xiiso leh Garsoornews.com

You must be logged in to post a comment Login

Photo Gallery

Designed by Afrotech