Mario Balotelli:“Man City waa iney ceshataa Roberto Mancini.”
Weeraryahankii hore ee Manchester City Mario Balotelli ayaa ugu baaqay kooxda Premier League ka dhisan inay ku sii dhegaan Roberto Mancini, isagoo sheegay inuu heysto taageerada Ciyaaryahanada.
Tababaraha ayaa cadaadis uu soo wajahay xilli ciyaareedkan, iyadoo 12 dhibcood ay ka danbeeyaan kala sareynta horyaalka kooxda hogaanka u heysa ee Manchester United.
“Qof kale oo u fiican City ma jirto. Tan ugu muhiimsana ciyaartoyda ayaa jecel.” ayuu Mario Balotelli u sheegay The Sun.
“Hadii aad weydiiso cida ay doonayaan xilli ciyaareedka soo socda, ciyaaryahan kasta waxa uu dhahayaa Roberto. Kaliya ma ahan tababarahooda laakiin sidoo kale waa saaxiibkood.”
22 jirkaan oo ka tagay Etihad Stadiun bishii Janaayo kuna biiray AC Milan, ayaa sidoo kale aaminsan in guulaha uu gaarsiiyay kooxda ninka ay isku wadanka yihiin inay u dhigan tahay inuu u qalmo in waqti badan la siiyo.
Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Fiiri guulaha uu Roberto gaaray – Fa Cup iyo horyaalkii ugu horeeyay muddo ka badan 40 sanadood.
“Xitaa Alex Ferguson koob kuma guuleysto sannad kasta – laakiin mar walba waa uu soo laabtaa.”