GARSOORNEWS.COM – Fastest Independent Somali News Source

Howlgallo Dad badan & Hub lagu soo qabtay oo ka dhacay Kismayo

Kismayo(Garsoornews)–Ciidamada dowlada Federaal-ka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ay saaka ka sameeyeen magaalada Kismaayo waxay ku qabqabteen 50 Qof oo lala xariirinayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo Hub noocyo kala duwan leh.
 
Cidamada ayaa howlgalka ka sameeyay Xaafadaha magaalada ayay Guri-guri u baarayeen, sida uu Garsoornews.com u xaqiijiyay Taliyaha amniga ee Ciidamada dowladda Soomaaliya u qaabilsan Gobollada Jubbooyinka, Jeneraal Ismaaciil Saxardiid.
 
Taliyaha waxa uu sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga magaalada Kismaayo oo uu barri ka furmayo Shirka maamul-u-samaynta gobollada Jubbooyinka.
 
Qaar ka tirsan Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa Garsoornews.com u sheegay in tuhmaneyaasha howlgalka lagu qabtay qaarkood lagu xiray Saldhigga dhexe ee Kismaayo, halka kuwa tuhunka wayn laga qabo loo gudbiyay saldhigyo ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ku leeyihiin magaalada.
 
Garsoornews.com
Warqabadka Kismayo
 

You must be logged in to post a comment Login

Photo Gallery

Designed by Afrotech