GARSOORNEWS.COM – Fastest Independent Somali News Source

DHAGEYSO:Saraakiisha Ciidanka Somalia oo u Hanbajay Askarta Dhacda dadka Safarka ah

ccMuqdisho(Garsoornews)–Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay inaysan u dulqaadan doonin in Shacabka isticmaala wadooyinka Gobalka Shabeelaha dhexe in la dhibaateeyo.
 
Maxamed Maxamuud Saney oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobalka Shabeelaha dhexe oo u waramayay Warbaahinta ayaa sheegay in iyaga oo dhowraya amarka Madaxweynaha Soomaaliya oo ah in qof waliba oo dadka dhaca gacanta lagu soo dhigo ay soo qaban doonaan qofkasta oo dhac geesta.

Wuxuu sheegay in marka gacanta lagu soo dhigo burcada kadib loo gudbin doono Maxkamada Ciidamad qalabka sida ee Soomaaliya si talaabo adag oo sharciga waafaqsan looga qaado.

Hadalka kasoo baxay saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa wuxuu imaanaya iyadoo cabasho ay kasoo yeeraysay gaadiidleeyda ku sugan Gobalka Shabeelaha dhexe kuwaasi oo ka cabanaya isbaarooyin iyo dhac loo geesto.

 

Halkaan ka Dhageyso:Saraakiisha Ciidanka Somalia oo u Hanbajay Askarta Dhacda dadka Safarka ah-Garsoornews.com

You must be logged in to post a comment Login

Photo Gallery

Designed by Afrotech