GARSOORNEWS.COM – Fastest Independent Somali News Source

DHAGEYSO: Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Shirka Maamul u samaynta Jubbooyinka oo ka hadlaya waxa uu u baaqday Shirka

Kismayo(Garsoornews)–Xilli dib udhac uu ku yimid furmashada shirka maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo ee lagu waday inuu ka furmo Magaalada Kismaayo ayaa masuuliyiinta guddiga farsamada waxa ay baaq ujeediyeen madaxda Dowladda Soomaaliya.
 
Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Macalin Maxamed Ibraahin oo Magaalada Kismaayo shirjaraa’id ku qabtay ayaa wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya si toos ah ay ugu direen warqad ku xusan ka qeybgalka shirka maamul usameynta Jubbooyinka.
Wuxuu sheegay in ilaa iyo iminka madaxda Dowladda Soomaaliya aysan ka helin jawaab ku aadan ka qeybgalka shirka maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka.

Inkastoo shirka maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka uu baaqday hadana masuuliyiinta guddiga farsamada ee maamul usameynta Jubbooyinka si cad uma aysan sheegin sababaha keenay dib udhaca ku yimid shirka.

Odayaal waxgarad iyo sidoo kale siyaasiyiin kala duwan oo kasoo jeeda Gobalada Jubbooyinka ayaa horay ugu baaqay in dib loo dhigo shirka maamul usameynta Jubbooyinka ee iminka dib udhacay.

RIIX HALKAAN:Guddoomiyaha Guddiga Maamul u samaynta Jubbooyinka

 
Garsoornews.com
Warqabadka Kismayo

You must be logged in to post a comment Login

Photo Gallery

Designed by Afrotech