DHAGEYSO-Dad Rayid ah oo lagu laayay Masjid ku yaalla Duleedka Dhadhaab
Dhadhaab(Garsoornews)–Wararka ka imaanaya deegaanka Maleeley oo qiyaastii 25 KM ujirta Dadaab ayaa sheegaya in uu ka dhacay weerar gaystay Khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah.
Kooxo Hubaysan ayaa Aroortii hore ee saakay Weerar ku qaaday deegaankaas oo ku dhow Xaduuda Soomaaliya iyo Kenya iyadoona lasoo sheegayo in halkaas lagu dilay 6 ruux kuwa kalana lagu dhaawacay.
Dadkii weerarkaas dilka ah gaystay ayaa lasoo sheegayaa in ay ka baxsadeen goobta waxaana gaaray Ciidamo katirsan kuwa amaanka dalka Kenya.
Lama hayo faah faahin la xariirta sababta ay dadkaas ulaayeen dadkan shacabka ah oo waliba loo tagay xili subax hore ah oo aysan jirin wax dhaq dhaqaaq ah.
Maxamed Baaruud oo ah Wariye Madax-banaan oo Degan Dadaab ayaa ka waramaya sida ay wax u dhaceen,
Hoose ka dhagayso.
DHAGEYSO- Dad Rayid ah oo lagu laayay Masjid ku yaalla Duleedka Dadaab - Garsoornews.com













