GARSOORNEWS.COM – Fastest Independent Somali News Source

DAAWO SAWIRADA,Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay dalka India & Khasaaraha ka dhashay

Hyderabad(Garsoornews) Abbaarihii toddobada fiidnimo taariikhduna ku beegneyd 21 febaraayo 2013 maanta oo khamiis ah ayaa saddex qarax oo is daba joog ah ay ka dhaceeen magaalada Hyderabadee ku taal koonfurta dalka Hindiyahalkaasi oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasayo ilaa 15 qofood Waxaa sidoo kale ku dhaawacmeen 47 qofood ayadoo la filaayo in ay dhimashada iyo dhaawaca intaas ka sii batto ,qaraxa waxuu ka dhacay xaafada la dhaho dilshukh nagar oo ah meel suuq ah oo ay dukaameystaan laguna gaddo qudaarta waa meel suuq horre ah oo xiliga qarax dhacayay dadka ay aad ugu badanyihiin.
 
Saddex dhinac ayuu qarax ka dhacay sida wararka ay sheegayaan qaraxii ugu horeeyay ayaa waxuu ka dhacay meel bus station ah oo dadka ka raacaan basaska marka ay saacada ku beegneyd todobadii fiidnimo qaraxyada waxey ka kala dhaceyn 3 goobood oo aah afafka hore tiyaatarada dadka aflaamta ku daawadan laguna magacaabo Nark theater and Venkatadri movie theater qaraxyado waxey ahayeen kuwa is daba jooog ah sida warka ay sheegayaan sirdoonka gobalka ayaa laba barri ka hor ka sii digay in ay dhibaatooyin dhacaaan madaxa gobalka Andhra pradesh mudane Kiran Kumar Reddy oo ay magaala madaxda gobalka hyderabad qaraxyadu ka dhaceeen ayaa iskugu yeeray golahiisa wasiirada shir deg deg ah magaaladuna waxa la galiyay emergency.
 
 Waxa sidoo kale ka hadlay qaraxa wasiirka arimaha gudaha ee dowladda dhexe Hindiya “qaraxyada Hyderabad waa la xaqiijiyay baarintaan ayaa billawday ayuu dhahay ! magaladaan hyderbad horaantii 2007 ayaa qaraxyo is daba joog ah ka dhaceyn oo ilaa 50 qofood ku geeriyoodeeen ,Hyderabad waa magaaalo ay ku badanyihiin dadka musliimiinta ah marka loo eego hindiya inteeda kale wa magaalo arday ajaanib ah ka kala yimid dalal kala duwan sida Soomaalia,Afgaanistaan,Uganda,Kenya Yemen,Imaaraadka,Turkey,Iran,Amerika, Ingiriiska,China iyo Raashiya  iyo dalal badan oo halkaan lagu soo koobi karrin.
 
Waa magaaalo ku hormartay xagga technology ama cilmiga computer sidaana keentay in aryday ku so qulqulaan waxa magaalada dagan soomaali qoysas ah iyo dhallinyaro arday ah oo waxbarasho u yimideen magalada waana magalada ay ugu badantahay soomaalida marka loo fiiriyo magaalooyinka kale ee hindiya.
 
Daawo Sawirada
123457

You must be logged in to post a comment Login

Photo Gallery

Designed by Afrotech