GARSOORNEWS.COM – Fastest Independent Somali News Source

DAAWO VIDEO:Xildhibaano wada “Moshin” ka dhan ah RW Saacid oo laga hor istaagay kulan ay ku lahaayeen Muqdisho

RW-Shirdoon-The-New-Deal-374x300

Muqdisho, Somalia(Garsoornews)–Waxaa Maanta loo diiday inay ku kulmaan Hotel ku yaalla Muqdisho Xildhibaano dhowr ah oo doonaya inay Moshin ka keenaan R/Waasaraha Somalia Cabdi Farah Shirdin Saacid. Halkaan ka Daawo Muuqaalka Shirkooda Jaraa’id

Madaxweyne Xasan Sheekh:Midnimada Somalia waa “Muqaddas”

Xasan Sheekh: Midnimada Soomaaliya waa lama taabtaan

Muqdisho,Somalia(Garsoornews)–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in midnimada Soomaaliya ay tahay muqaddas, si kasta oo lagu helayana ay dowladda Soomaaliya ku raadineyso. Madaxweynaha oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegya in dowladda ay diyaar u tahay inay si wada-hadal iyo nabad ah ku raadiso midnimada shacabka Soomaliyeed. Wuxuu sheegay inay [...]

DHAGEYSO:Ururka Siyaasadeedka UDAD oo dhaliilay Maamulka Faroole

pppp

Galkacyo(Garsoornews)–Urur Siyaasadeedka UDAD oo kamid ah Ururada ka jira deeganada Puntland ayaa ku dhaliilay Maamulka Madaxwayne Faroole qaabka ay hadda wax u soconayaan ay ku jiraan gacmo ka madax banaan arimaha Doorashooyinka sida Xukuumadda. Maxamed Aadan Muud oo kamid ah Masuuliyiinta sar sare ee ururka UDAD aya sheegay in wax ku raadinayso qaab aan Macquul [...]

Muqdisho:R/Wasaaraha Somalia oo Codka kalsoonida loo qaadayo

Raysul wasaare Shirdoon oo codka kalsoonida loo qaadayo

Muqdisho,Somalia(Garsoornews)–R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in toddobaadka soo socda codka kalsoonida looga qaado Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xildhibaanno ayaa Jimcihii shalay u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters. Xildhibaannada soo diyaariyay mooshinka ka dhanka ah R/wasaaraha ayaa ku eedeeyay R/wasaaraha iyo xukuumaddiisa inay ku fashilmeen gudashada waajibaadyadii loo xil-saaray. R/wasaare Shirdoon ayaa hoggaamiye u ah [...]

Shil Gaari oo sababay Dhimasho & Dhaawac oo ka dhacay Gobolka Awdal

qodobka 1aad

Hargeysa(Garsoornews)–Hal qof ayaa ku dhintay, 4 kalena waa ay ku dhaawacantay shil gaari oo shalay galinkii dambe ka dhacay meel 7 KM u jirta degmada Lughaye ee Gobolka Awdal sida uu Garsoornews u sheegay guddoomiyaha degmada Lughaye Cabdullaahi Cali Aw-Nuur. Aw-Nuur ayaa sheegay in dadkii ku dhaawacmay shilka baabuur loo qaaday isbitaalka degmada Lughay si [...]

Kismaayo:Askari Rasaas Khasaaro geysatay ku furay Dad rayid ah

Dabley-300x200

Kismayo(Garsoornews)–Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qof rayid ah la dilay, afar kalena la dhaawacay kaddib markii askari ka tirsan ciidanka jooga magaalada uu rasaas ku furay dad rayid ah oo ku sugnaa agagaarka suuqa Via Afmadow ee magaalada Kismaayo. Ciidamada ammaanka ee Kismaayo ayaa isla markiiba gacanta [...]

Mas’uuliyiin ka socda IGAD oo Kismaayo kula kulamay Axmed Madoowe

Igad

Kismaayo (Garsoornews)—Wafdigiii ka socday urur-goboleedka IGAD oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa barqadii maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wafdiga oo uu hoggaaminayo xog-hayaha guud ee urur-goboleedka IGAD, Maxbuub Macallin ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxay kulan hal saac qaatay kula yeesheen madaxweynaha cusub ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed [...]

Ciidamada Dowladda oo Howlgallo Baaritaano ah ka sameeyay Muqdisho

shakraaaaaaaaaa

Muqdisho (Garsoornews)—Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay ku soo waramayaan in saakay ay ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa booliska ay ka wadaan howlgallo baaritaano ah gudaha Xaafada Mac-Macaanka ee degmadaasi wadajir. Ciidamada ayaa baaritaano xoogan ka sameeyay Guryaha, Goobaha Ganacsi,Gaadiidka  iyo Dadka Lugeynaya wadooyinka Xaafadaasi. Ciidamada ayaa [...]

DHAGEYSO:Xiliga lagu dhawaaqayo Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Axmed Madoobe oo la shaaciyey

Fartaag-225x145

Kismayo(Garsoornews)–Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Jubbaland garabka Axmed Madoobe, General C/laahi Sheekh ismaaciil (Fartaag) ayaa sheegay in ay soo gabogabowday doorashadii Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa, wixii hadda ka danbeeyana ay guda gali doonaan sidii loo soo dhamaystiri lahaa qaybaha kale ee Maamulka. Fartaag ayaa shegay muddo 14 Cisho ah in lagu soo dhisi doono Golaha Wasiirada [...]

DHAGEYSO:IGAD oo Xal u raadinaysa Mashaakilka Siyaasadeed ee ka taagan Jubbaland

Hassan-Sheikh-Mohamud-with-Mahbub-374x300-225x145

Muqdisho(Garsoornews)–Xoghaya Guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalin oo Shir Jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa faah faahin ka bixiyay kulan ay la qaateen madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu sheegay kulamadaasi inay kusoo dhamaadeen Guul. Dhinaca kale waxaa uu sheegay waxyaabaha ay kala hadleen Madaxda dowladda Soomaaliya inay usoo gudbin doonaan urur goboleedka IGAD. [...]

Photo Gallery

Designed by Afrotech