GARSOORNEWS.COM - Fastest Independent Somali News Source » Articles

DHAGEYSO:Khudbadihii laga jeediyay Shirka dib u habaynta Waxbarashada Somalia
RW Saacid

Khudbadii RW Saacid:Muqdisho, 18, June 2013-Mudanayaal, marka ugu horeysa dhamaantiin waad salaamantihiin.

Waxaa sharaf weyn ii ah in aan idinkala soo qeyb galo, rasmi ahaana u furo Shirka Waxbarashada Soomaaliyeed.

Ugu horeyn, waxaan u mahadcelinayaa, Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada iyo Agaasinka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Wasaaradda. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa, ka qeybgalayaasha iyo hay’adaha UNICEF iyo UNESCO oo ka qeyb qaatay suurto galinta shirkaan.

Shirkaan oo ah mid ummadda Soomaaliyeed aad ugu hanweyn tahay, kuna soo beegmay waqti is beddel taariikhi ahi dhacayo oo laga gudbay dagaalkii sokeeye iyo dawladihii ku-meel gaarka ahaa, mar labaadna aan dib u hananay dawladnimo rasmi ah ee dalkeena, ayaa shirkaan waxaa laga sugayaa qaabeynta nidaamka waxbarasho ee dalka.

Sida la ogyahay, waxaa dhalatay Dawlad Federaali ah oo hogaan u ah Soomaaliyada cusub una heelan inay aqoonta ku gaarto dhamaan noocyada horumarka banii’aadamku u baahan yahay sida dhaqaale, tiknologiyo iyo mid bulsho. Shirkaan wuxuu qeyb weyn ka yahay dadaalka dawladdu ugu jirto kobcinta tacliinta ubadka Soomaaliyeed, ayna kula dagaalamayso jahliga, cudurka, gaajada iyo dhamaan duruufaha kale ee aqoon daradu sal-dhiga u tahay.

Waxaad tihiin aqoonyahano iyo xulka xeel-dheerayaasha tacliinta oo laga doonayo inay ka talo bixiyaan sidii mar kale dhidibada loogu taagi lahaa nidaam waxbarsho oo tayaysan oo la jaanqaadi kara cilmiga iyo tiknologiyada qarnigan 21aad, isla markaana la wada awoodo.

Waxaa waajib dastuuriya ah in ilma kasta oo Soomaali ahi helo wax-barasho illaa heer dugsi sare gaarsiisan oo lacag la’aan ah. Taasi waa waajib culus ooy tahay inaan u tabaabushaysano dawlad iyo shacabba.

Qiimaha Waxbarashada

Waxbarasho tayaysan waa kaabaha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee umaddeenu yeelan karto. Waxay noo suurto galinaysaa in bulshadeeno gaarto hadafkeeda dheer ee ah inaan dalkeena horumarinno. Waxay xoojinaysaa wadaniyada, waxayna gaashaan nooga tahay caddawga ummadeena ee ah jahliga, cudurka iyo faqriga baahay.

Ka sakow qiimaha weyn ee bulshadeena ay ugu fadhido waxbarshadu, waxaa hubaal ah in ahmiyad gaar ah u leedahay horumarka qoska iyo himilada ardayga Soomaaliyeed. Waxbarashadu waxay ardayda dhaxalsiisaa dhawr-sanaan, ixtiraam, dulqaad, wax isla-wadaag iyo asluub wanaagsan oo intuba aasaas u ah nolosha qofka, loona baahan yahay in lagu ababiyo ubadkeena.

Tacliinta oo aan ka baahi tirno shacbkeena waa jidka ugu haboon een ku abuuri karno bulsho midaysan oo qof kastaa uu door muuqda ku leeyahay horumarka iyo wax-soo saarka dalka. Si aan hadafkaas muqadaskaa u gaarno dawladdu waxay ku dadaalaysaa inay waxbarashada u qoondayso miisaaniyad lamid ah midda amniga iyo difaaca dalka u qorshaysan.

Hafadka Dawladda

Waxaan doonaynaa inaan ubadkeena ku ababino wadaniyad anagoo ka hortageyna afkaaraha guracan iyo xagjirnimada oo aan midkoodna manfac u lahayn ummaddeena. Dugsiyadeenu waa inay noqdaan kuwo ahmiyada koowaad siinaya ku barbaarinta ardayga akhlaaqda suuban, baranna dhaqankiisa iyo taariikhda dadkiisa iyo dalkiisa. Barayaashu waa inay had iyo jeer ku baraarug-sanaadaan mushkilada ay bulshada ku hayaan qabyaalada iyo quursiga, ayna ardayda ku barbaariyaan sinaan, walaaltinimo iyo is-ixtiraam.

Si wada-jir ah, waa inaan ardaydeena iyo dhalinyaradeena ugu baarbaarinaa qiimaha wadanka iyo in qofku aamino qofnimadiisa, diintiisa, dalkiisa iyo dhaqankiisa suuban. Dugsiyadu waa halka ugu haboon ee laga baahin karo dhaqanka suuban, diinta hufan iyo wadaniyada, waana meesha lagala dagaali karo afkaaraha qaldan ee lagu dhibaataynayo ummadeena.

Fasahaadka Caqiidada

Qaar dhallinteena kamid ah laga marin habaabiyay caqiidada Diinta Islaamka taas oo jaah-wareer weyn ku ah bulshadeena guud ahaan. Jaah-wareerka diimeed ee ummadda la soo gudboonaaday waxaa ka dhashay khatar aad u weyn. Waxaana ku khasbanahay inaan ka hortagno khatartaas anagoo xoogga saarayna inaan ubadkeenna si fiican u fahamsiino caqiidada suuban ee Islaamka.

Hirgalinta Qorshahan

Haddaba, si qorshaha waxbrashadu u hirgalo waxaa ka go’an dawladda, in wasaarada loo fududeeyo dhaqaalaha iyo tas-hiilaadka kale ee ay u baahan tahay. Sidoo kale, dawladdu waxay iska xil-saaraysaa diyaarinta macallimiintii hawshaas fulin lahaa. Xirfadda macallinimadu waa inay noqoto mid lagu tartamo oo dhallinta dugsiyada ugu fiican ay soo dalbadaan. Waxaana ku hamiyaynaa inaan kor u qaadno nolosha iyo tayada macallimiinta.

Dawladdu waxay ku guda jirtaa soo celinta iyo dib-u soo noolaynta dhammaan dugsiyaddii dawladda ee shacbiga Sooomaaliyeed ay iskaa wax u-qabso ugu dhisteen intooda badan. Dadka deggan dugsiyadda iyo dhismayaasha kale ee dawladda waxaan ugu baaqaynaa inay si deg deg uga guuraan goobahaas waxbarasho.

Waxaan soo celinaynaa dugsiyaddii farsamo ee dawladda kuwo cusubna waan hirgelin doonaa.

Sidoo kale waxaan ka shaqeynaynaa sidii dib loogu hawlgelin lahaa Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed waxaana lagu soo kordhin doonaa kulliyado hor leh iyo machadyo sare oo iyada hoos yimaada.

Gunaanad

Mudanayaal, martida sharafta leh ee shirweynahan qeybta ka ah, waxaan idinka sugaynaa inaad fikir cad ka dhiibataan nidaamkii iyo qorshihii waxbarashada dalku ku socon lahaa sanooyinka soo socda. Waxaan doonaynaa nidaam waxbarasho oo leh manhaj midaysan oo awood u leh inuu soo saaro jiil Soomaaliyeed oo cusub, isla markaana ahmiyad gaara siinaya barashada iyo kor u qaadidda afka Soomaaliga. Manhajkaas waa inuu soo saari karaa jiil cusub oo Soomaalinnimo, waxgaradnimo, karti iyo aqoon casriyana leh, maskax fayoow.

Waxaan idinka sugaynaa inaad soo jeedisaan qorshe waxbarasho oo u qalma dalkaan, kaas oo hoorseedi kara in ummadeenu ku tilaabsato horumar dhan kasta oo nolosha la xiriirta ayna ka baxdo jahliga iyo gaajada.

Waad mahadsan tihiin dhamaan.

Halkaan ka Dhageyso Dhamaan Khudbadihii Shirka laga jeediyay:

DHAGEYSO:Khudbadihii Shirka-Garsoornews Online

Garsoornews Online

Xafiiska Muqdisho

DAAWO VIDEO: Mudaharaadiyaasha Turkey oo Masaajid fadareeyey
Istanbul (Garsoornews)–Banaan-Baxayaasha Turkey ayaa si Anshax-xumo ah u isticmaalay Majid Taariikhi ah oo lagu magacaabo Valide Sultan Dolmabahee kaasi oo ku yaalla Magaalada Istanbul ee dalkaasi.

Halkaan ka Daawo:

Garsoornews Online

Istanbul,Turkey

DAAWO VIDEO:Gabadhii ugu horeysay oo Duuliye ka noqota Diyaaradaha Dagaalka ee dalka Pakistan[ Sawiro]
Islamabad (Garsoornews)–Gabar u dhalatay dalka Pakistan oo lagu magacaabo Ayesha Farooq ayaa noqotay duuliyihii ugu horeeysay ee haweenay ah, oo duuliye ka noqota diyaaradaha dagaalka ee dalka Pakistan.

Ayesha Farooq oo 19-jir ah ayaa nasiib u heshay iney noqoto qofka kaliya ee kasoo baxay 20 arday oo tababar iyo imtixaan u galay duuliyenimada diyaaradaha dagaalka ee dalka Pakistan.

Garsoornews Online

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA:

DAAWO SAWIRRADA:Axmed Madoobe oo si Diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia
Addis Ababa(Garsoornews)–Wafdi uu hogaaminayo Axmed Madobe, Madaxweyanaha Jubbaland ayaa Maanta waxa uu gaaray magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia halkaasi oo Boqolaal qof ay si diiran ugu soo dhoweeyeen Garoonka Diyaaradaha.

Axmed Madobe oo Casuumada ka helay RW Ethiopia Hailamariam ayaa waxa lagu wadaa sidoo kale inuu booqdo Kenya iyo Puntland, waxaana ujeedka Socdaalkiisu yahay sidii madaxda uu la kulmaya ugala hadli lahaa aqoonsiga Dowlada federaalka Somalia ee Maamulkiisa Jubbland oo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Saacid ku tilmaameen mid aan Dastuurka Federaalka waafaqsanayn.

Ethiopia waxa ay u aragtaa fursad inay dhexdhexaadiso Dowlada Federaal Somalia iyo Maamulka Jubbaland, maadaama ay dalka ka leedahay dano Siyaasadeed iyo mid maamulka Kismayo oo Kenya hadda kula loolamaysa.

Kenya ayaa Ciidankeeda hadda gacanta ku haya Kismayo, waxaana ay si indha la’aan ah u taageertaa Axmede Madobe oo ay xulafo yihiin.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRADA;

DAAWO VIDEO:Shacabka IRAN oo u dabaal degaya Guushii Hassan Rouhani
Shacabka Iiraan oo u dabaal degaya Guusha Rowhani

Tehran(Garsoornews)–Kumanaan dadweynaha reer Iiraan ayaa xalay isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee Dehran, kuwaasoo taageersan guusha wadaadka dhexdhexaadka ah Hassan Rowhani, waxaana dadkaan ay ka dalbanayeen madaxweynaha cusub Xuriyad.

Kumanaan dadweynaha ah ayaa soo buuxiyay wadooyinka iyo fagaaraha waaweyn waxana ay luxayeen sawiro iyo halku dhigyo ay ku taageerayan murashaxa Hassan Rowhani, halka dhanka kalena Ciidamada amaanka lasoo dhoobay wadooyinka kuwaasoo aad ula socday dhaqdhaqaaqa dadweynaha.

Rowhani ayaa helay in kabadan codadkii loo baahnaa 50%, waxaana kaalinta 2ad galay  ninka Muxaafadka ahMahamed Baqir, halka Jaliilina uu galay kaalinta 3aad.

Rowhani ayaa markii uu ku guuleystay doorashada hadalkiisi ugu horeeyay waxa uu ku sheegay inuu ciyaari doono siyaasad dhexdhexaad ah, waxaana beesha Caalamka ka dalbaday ineey ictiraafaan xuquuqda Iiraan ee dhanka Nuclearka.

Dadka IRAN ayaa si weyn uga qaybqaatey doorashada waxaana codkooda dhiibtey 72.2% dadka sharcigu siiyey in ay codkooda dhiiban karaan oo gaaraya 50.4 milyan oo qof.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee IRAN Mustafa Maxamed Najir ayaa ku dhawaqey in Mr. Rouhani ku guuleystey codad gaaraya 18,613,329 milyan oo cod iyada oo codadka la dhiibtey dhamaantood ay gaarayeen 36,704,156, waxaana ay u dhigan taa codadka uu helay 50.68%.

Hassan Rohani oo ah 64 jir ayaa ka mid ahaa lix musharax oo maalintii shalay dadka IRAN codkooda ku kala saarayeen, Hassan Rouhani ayaa ah wadaad Shiici ah oo Mukhlis u ah Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee IRAN Ayattulah Khumeyni, Daacadnimada uu hayo Ayattulahi Khumeyni ayaan meesha ka saarin in uu yahay hoggaamiye isbedeldoon ah oo doonaya in uu xiriir wanaagsan la yeesho dalalka reer galbeedka.

Si kastaba ha ahaatee Hassan Rohani ayaan waxba ka beddeli karin arrimaha Nukliyeerka dalka IRAN waxaana awoodaas iska leh, Golaha Korjoogtada ah (The Guardian Council ).

Taariikhda Rowhani

Rowhani, waa Wadaad 64 Sano jir waxbrashadiisa Masters ka qaatay Jaamacadda Glasgow Caledonian University, waxaan u ahaa u qeybsanaha wada hadalka Nuclear-ka Iran ee Reer galbeed, waxaana uu daacad u yahay Ayatollah Ali Khamenei.

Waxa uu si fasiix ah ugu hadlaa English, German, French, Russian iyo Arabic.

Jawaabta Beesha Caalamka:

Xoghayaha guud ee QM Mr Baan Kii Moon, ayaa tahniyad kulul u jeediyay Hassan Rowhani, waxaana uu kula dar daarmay inuu ka shaqeeyo xasilinta gobolka, sidoo kale Moon ayaa aad u bogaadiyay shacabka Iiraan iyo sida ay uga qayb qaateen doorashada, waxaana dadka ka qayb qaatay doorashada lagu sheegay 72% guud ahaan shacabka Iiraan.

Mareeykanka ayaa si taxadar leh usoo dhaweeyay guusha Rowhani, waxaana Mareeykanka uu ka dalbaday inuu ka shaqeeyo isu soo dhaweynta beesha Caalamka iyo Iiraan iyo sidii xal looga gaari lahaa barnaamijka Nuclearka.

War kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Srael ayaa lagu sheegay in guusha Hassan Rowhani aysan waxba soo kordhineen, maadaama barnaamijka Nuclearka taladiisa ay ka go’do wadaadka xaga diinta ugu weyn dalkaas ee Aayatulaahi Ali Khamanii, waxaana Srael ay shegtay in Iiraan ay sii wadi doonto ficiladeeda ku adan dhanka Nuclearka.

Dhanka kale war kasoo baxay dhanka Mucaaradka Syria ayaa Rowhani loogu baaqay inuu badalo mowqifka Iiraan ee horay u haa mid taageera doowlada Bishar Asad.

Garsoornews Online

http://www.aljazeera.com/news/middleeast/2013/06/201361523312748181.html

DAAWO VIDEO:Nin Soomaali oo Sadax Qof ku dilay Mareykanka,isna is dilay
Axmed Dirir oo da’diisu ay ahayd 59 jir Soomaali ah ayaa ku dilay Xarun caafimaad oo ku taala magaalada St. Louis ee dalka Mareykanka Labo qof oo Soomaali ah iyo qof ajnabi ah, kadibna isaga is dilay, kadib markii uu soo dhex galay muran.

Toogashada ayaa waxa gaystay nin Soomaali ahaa laba ka mid ah sedaxda ruux ee dhimatay waxa ay ahaayeen Soomaali halka ruux kale ahaa Maraykan sidaa waxaa Sheegtay NBC News.

Booliiska ayaa sheegay in dilka ninkaan ku gaystay qore kadib markii khilaaf soo kala dhax galay sida ay qabtay Kaamirada amaanka waxa ayna Booliska sheegeen in goobta dilka ka dhacay matdkoodii afarta ruux laga helay.

Ninka dilka gaystay oo ahaa Soomaali ayaa agaasime ka aha xarun daryeelka Caafimaadka Xoolaha ahayd waxana la sheegay in Booliska barayaan sababhii dhaliyay caradaan.

3-da qof ee uu ninkan Soomaaliga ah toogtay ayaa kala ahaa Khadra Muuse oo 44 jir ahayd,  Saciid Cabdalla oo 29 jir ahaa oo labaduba Soomaali ah  iyo haweeney la oran jiray Bernice Solomon-Redd  oo 54 Jir ahayd.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO

FAALLO: Taariikhda Somaliweyn iyo Dhibaatada Ay Ku Hayso Somalia Maanta
Ummadaha Afrika, Aasiya, iyo Laatiin Ameerika waxay ka gilgisheen Gumasigii Reer

Yurub ee ku habsaday taariikho kala duwanaa iskana rideen heeryadii gumeysiga.

Kacdoonadii iyo halgamadii xornimadoonka ahaa ee ka kacay Afrika iyo Caaalamka

Carabta kontameeyadii iyo lixdameeyadii (1950s and 1960s) waxay ku salaysnaayeen

hilow wadaninimo iyo himilo weyn. Qaar ka mid ah dadyowgii gumaystuhu kala qaybiyay

waxay hiyiga ku hayeen inay midoobaan oo la hoos keeno hal calan iyo hal dawlad.

Dalalka Carabta waxaa ka jiray aragtida Carabweyn oo hayd in la mideeyo dalalka

Carabta taas oo uu hormood ka ahaa dalka Masar oo uu hoggaaminayay Jamaal Cabdi

Naasir. In kasta oo madaxdii kala geddisanayd ee Carabtu ay

dhabarka u jeedisay Falsafaddii Carabweyn xukun jacayl iyo qabyaalad awgeed, ayaa

waxaa haddana madaxweyne Jamaal Cabdinaasir ku guullaystay sannadkii 1958 inuu

mideeyo dalalka Masar iyo Suuriya. Midowgaas ma raagin oo waxa uu burburay 1961

markii Suuriya ka baxday si lama filaan ah, sidaasna waxaa ku fashilmay Aragtidii

Carabweyn ee bilowga ahayd.

Sidaas oo kale, waxaa Geeska Afrika ka soo shaac-baxday Aragtidii Somaliweyn.

Aragtidaas xoogeedu waxay bilaamatay badhtamihii Dagaalkii Labaad ee Dunida

(1939-1945). Halgamadii xornimadoonka ee dadyowgii Somalida ee ku noolaa Geeska

Afrika oo ay kala hoggaaminayeen Ururkii SNL iyo SUP ee Somaliland, iyo Ururkii SYL

ee Somalia waxay hilowga himaladoodu iyo riyaaqooda wadaninimo ku salaysnaa in la

xoreeyo, mideeyo, hal calan iyo hal dawladna la hooskeeno 5tii Somaliyeed si loo

helo dawladweyn oo Somaliyeed oo ka dhalata Geeska Afrika. Somaliland ayaa noqotay

dalkii ugu horreeyay ee Somaliyeed oo xorooba isla markaana hirgesha figradda

Somaliweyn.

Markii Somaliland ka xorowday Boqortooyadii Ingiriiska Bishii June 26dii, 1960 waxay

markiiba  la midowday Somalia oo ka xorowday dawladdii Talyaaniga bishii July 1dii,

1960. Nasiib-darrose waxaa dhacday laba arrimood oo burburiyay himiladii Somaliweyn

sidii Carabweyn ay u burburtay. Waa midda kowaade, Dalka Jabuuti ayaa markii uu

xornimada qaatay 1977 diiday inuu ku soo biiro Somaliweyn isla markaana noqday

dawlad madaxbanaan kadib markuu arkay in Somalia ka duudsiday Somaliland saamigii ay

ku lahayd dawladdii midowga ahayd. Waa midda labaade, Somaliland oo ka noqotay

midowgii ay la lahayd Somalia 1991 ka dib markii Somalia kula kacday Somaliland

dulmi iyo tacadiyo ka baxsan Islaamnimada iyo Somalinimada mudadii uu jiray midowgu

(1960-1990). Waxaa lagu maahmahaa, “Dambas aadan dabkiisa ku guban  kama leexatid”.

Somaliland waa ku gubatay midowgii waana ka noqotay. Somaliland iyo Somalia ma ahayn

labadii dal ee midowgoodu burburo. Waxaa sidaas oo kale u burburay Midowgii Masar

iyo Suuriya sannadkii 1961, Midowgii Sofiyatka sannadkii 1989, iyo Midowgii

Fedaraaalka Yugoslavia sannadkii 1995,

Maanta dadyowga Somalidu waxay u kala fadhiyaan 5tii meelood ee gumaysigu u qaybiyay

sida dalal badan. Somaliland, Jabuuti, iyo Somalia waa xor. Somali Galbeed iyo

Somali Waqooyi Bari waxay kala raacsanyihiin Itoobiya iyo Kenya. Saddexda xorta ah

ma muuqato inay midoobi. Labada la haysto ma muuqato goor ay xoroobi, haddii ay

xoroobaanna ma muuqato inay aaminsanyihiin figradda Somaliweyn. Sababta ay

Somaliweyn u fashilantay waxa weeye Somalida oo si foolxun sida Carabta u aaminsan

qabyaaladda iyo xukun-jacaylka taas oo keentay inay si foolxun isugu tacadiyaan.

Somalidu waxay isku dishaa iskuna xasuuqdaa magac qabiil taas oo ka baxsan Diinta

Islaamka iyo nidaamka dawladnimada. Sidaas awgeed Somalidu way kala aamin-ka-baxday,

kala aamin-ka-baxaas waxaa uu noqday wedka Somaliweyn.

Dadyowga Dalalka Somalida xorta ah awood uma laha inay xorreeyaan labada gobol ee

Somaliyeed ee ka kala tirsan Itoobiya iyo Kenya balse niyad ahaan way u

taageerikaraan.  Waxaa xorraynkara oo qudha Somalida u dhalatay gobolladaas sida ay

isku xorreeyeen dadka Koonfurta Sudan. Markii Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia ee

ka koobnayd Somaliland iyo Somalia ay ku duushay Itoobiya sannadkii 1977 si ay u

xorrayso dhulka Somali Galbeed waatii la ogaa ee adduunku ku kacay kuna khasbay

dawladdii Somalia inay ka baxdo xuduudda Itoobiya kuna noqoto xuduudeeda, dagaalkaas

oo dhaqaale iyo ciidanba lagu burburay.

Dawladdii Rayidka ahayd ee Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia kuna midoobeen Reer

Waqooyiga iyo Reer Koonfurta, jirtayna mudada 9 sano ahayd (1960-1969) waxay ahayd

mid ay lahaayeen labadii ummadood ee midoobay 1960 inkasta oo Reer Waqooyiga laga

duudsiyay sedweyn oo ay ku lahaayeen dawladnimadaas. Madaxdii xilligaas waxay ka

ilaaliyeen dawladnimada inay noqoto mid loo loogo 5ta Somaliyeed (Somaliweyn) ee aan

wada lahayn si looga hortago fawdo ka dhalata dal iyo dawladnimo aan la kala lahayn.

Markii Siyaad Barre Afgembiga Milatari ku qabsaday Jamhuuriyaddi Somalia sannadkii

1969 waxa uu dawladnimadii ka dhaxaysay Reer Waqooyiga iyo Reer Koonfurta ka dhigay

mid aan la kala lahayn oo ka dhaxaysa 5ta Somaliyeed. Waxaa uu u gacan-haadshay

dadkii beeshiisa guud ka tirsanaa ee deganaa Gobolka Somaliyeed ee Itoobiya iyo

Gobolka Somaliyeed ee Kenya. Waxaa uu qaxootigii ka dhigay Gole Sare, baarlaman,

wasiirro, guddoomiyayaal gobollo, janano, taliyayaal ciidan iwm. Dadkii gobolladaas

ka yimid ee qabsaday dawladnimadii Jahuuriyaddii Somalia waxay dadkii dalka u

dhashay kula kaceen cadaadis siyaasadeed waxayna si weyn uga qaybgaleen dilkii,

xasuuqii, iyo burburkii loo geystay dadkii iyo dalkii  Jamhuuriyaddii ay martida ku

ahaayeen.

Qaxootigii ayaa noqday wadani, wadanigiina waxaa uu noqday qaxooti. Waxa uu ahaa

xilli daran oo qabyaaladdu ka xoog-roonaatay oo legaday wadaninimadii, qaranimadii,

iyo dawladnimadii Jamhuuriyaddii Somalia oo loo loogay loona shidheeyay Somaliweyn

aan waxba wada lahayn. Ninka Reer Masar ah ee gala Jordan ama dal kale oo Carbeed

marnaba uma suurtowdo inuu ka helo jago wasiir ama uu darajo ka qaato dalkaas.

Dalalka Carabta ee kala deggan Waqooyiga Afrika iyo Bariga  Dhexe (18 dal) midkasta

dawladnimadiisa isagaa leh oo ay gaar u tahay iskumana xad-guudbaan iyaga oo ah isku

af, Diin, midab, dhaqan, iyo caado. Qofku dal kale waa ka shaqaysankaraa haddii aanu

faragelin ku samayn dawladnimadiisa.

Waa Maxay Dhibaatooyinka Somaliweyn ku Hayso Somalia Maanta?

Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee maanta Somaliweyn ku hayso Somalia waxaa ka mid ah:

1. Somalia (Koonfurta) oo ay maanta ka dhacayaan waxyaabo la yaab leh, taas oo

caddayn u ah dhibaatada ay Somaliweyn ku hayso dalkaas. Kismaayo waa magaalo madaxda

Jubbada Hoose ee Somalia oo ah dal xor ah. Waxaa la xaqiijinayaa in hogaamiyaha iyo

milliishiyada Kismaayo dagaalka ku  qabsaday iyaga oo taageero ka haysta ciidamada

dalka Kenya kana soo horjeeda  dawladda Somalia uu xoogoodu ka yimid Somalida

Kilinka 5aad ee Itoobiya iyo Waqooyi Bari Keenya. Kooxdan oo ku soo gashay

gobolladaas magaca Somaliweyn ayaa waxa la sheegayaa in qorshahoodu yahay inay

goostaan Gobollada Jubooyinka iyaga oo taageero ka haysta  ciidamada dalka Kenya ee

ku sugan Kismaayo oo aan amar ka  qaadan Unisom iyo dawladda Somalia. Gobolladan

waxaa deggan oo leh beelo badan oo dagaal kula jira kooxdan si aan looga barokicin

dhulkooda loogana goyn Somalia.

Sannadkii 1977 ee Jamhuuriyaddii la odhanjiray Somalia qabsatay Gobolka Somaliyeed

ee Itoobiya ka tirsan, ayaa waxaa dhacday in Jabhaddii la odhanjiray Somali Galbeed

ay diiday in calankii Somalia laga taago dhulkii la xorreeyay kana taagtay calankii

jabhadda qaybtii ay ku lahaayeen dhulkaas, maantana waxaa la rabaa in magaca

Somaliweyn lagu  boobo gobollada ugu muhiimsan Somalia. Jubbooyinku waa gobollada

ugu qanisan Somalia, waa  isha nolosha iyo nafta dadkeeda, waxbana Somalia la

hadhimayso si ay u badbaadiso jiritaankeeda haddii xiisadda Kismaayo sii socota

Kenyana si cad ula safato kooxda qabsatay magaalada. Dagaal ka dhex-qarxa Kenya iyo

Somalia waxaa suurtogal ah inuu  Kenya u soo jiido jab,  burbur dhaqaale,  iyo

qalalaase ku fida Waqooyi Bari Kenya.

2.  Dadka xukuumadda Somalia la dabajooga markasta shirqoolada iyo mooshinada lagu

ridayo ee ku salaysan qabyaaladda iyo laaluush-raadinta oo Somalia ka degila’dahay

sida xukuumadda Talyaaniga waa xubno baarlamaan iyo wasiirro ka soo kala jeeda

Kilinka Shanaad ee Itoobiya, Waqooyi Bariga Keenya, iyo Somaliland, waxaanay

dhammaantood ku soo galeen baarlamaaanka Somalia magaca Somaliweyn.

3. In badan oo ka tirsan  baarlamaanka iyo wasiirada Somalia waxay ka kala socdaan

5ta Somaliyeed iyaga oo ku soo galay Somalia magaca Somaliweyn waxayna Somalia  ka

dhiseen Fadaraalka Somaliweyn ku salaysan wax lagu magacaabo 4.5 oo ah dawladnimo ku

dhisan qabyaalad si ay ugu danaystaan, arrintaas oo beelo badan oo ka tirsan dadka

Somalia ka duudsiyay jagooyin iyo darajooyin badan oo ay xaq u lahaayeen. Beelahan

ayaa maalinkasta ka cawda dawladda kadib markii ay waayeen saamigii dawladnimada ee

ay xaqa u lahaayeen oo loo loogay magaca Somaliweyn.

4.  Kuwa ku danaysta magaca Somaliweyn ee ka tirsan barlamaaanka iyo xukuumadda

Fadaraalka Somaliweyn ee Somalia kana kala yimid Somaliland, Kilinka 5aad, iyo

Waqooyi Bari Kenya waxay si joogta ah isugu diraan Somaliland iyo Somalia si ay u

sii kala fogaadaan.

Maanta kuwa Somaliweyn aan jirin u qaylinaya waxaa u badan Somalida ka tirsan

Itoobiya iyo Kenya waayo waxay ku mameen hantida iyo xukunka Somalida Xorta ah laga

soo bilaabo xukunkii Siyaad Barre. Arrintanu waxay caddaynaysaa in Somaliweyn

noqotay maanta siyaasad la isku dul-noolaado (Somaliweyn has become parasitic

philosophy), siyaasad kuwa aan xorta ahayn ku soo gabbadaan magaca Somaliweyn si ay

u soo galaan Somalida xorta ah oo ay u dulmiyaan kana jeestaan inay xorraystaan

dhulkooda. Waxaa kale oo ay maanta Somaliweyn isu bedeshay siyaasad lagu boobo

gobollo ka tirsan dal kale sida maanta ka socota Jubbooyinaka Somalia.

Nabadgelyo la’aanta maanta Somalia ka jirta waxaa u sabab ah hugun Somaliweyn aan

jirin oo u diidan in dadka Somalia gacantooda ku maamushaan dawladnimadooda soona

ceshaan nabadgelyadooda. Somalia waxaa leh dadka Somalia waxaana ku waajib ah

madaxdooda, siyaasiyiintooda, madaxdooda dhaqanka, iyo indheer-garadkooda inay ka

baxaan hugunka aan jirin ee Somaliweyn oo gacanta ku dhigaan talada iyo aayaha

ummadooda iyo dalkooda iskana caydhiyaan kuwa ku soo galay dalkooda magaca

Somaliweyn oo isku taxay jagooyinka iyo darajooyinka aanay xaq u lahayn ee laga

boobay dadka Somalia isla markaana guranaya maalkooda si ay daaro uga dhistaan

gobollada ay ka soo jeedaan.

Haddii ummadda Somalia aaminsantahay in Hugunka Fadaraalka Somaliweyn ee Mqudisho

ka jira uu u keenayo Somaliland waa wax aan marnaba dhacayn waana ku gef ummadda

Somaliland in dalkeeda oo ay xukunto ku tuurto fawdada ka jirta Somalia ee ku

salaysan Somaliweyn aan waxba ka dhaxayn. Sida lala wada socdo 1960 waxaa israacay

Somaliland iyo Somalia oo qudha ee isma raacin Somaliland iyo Somaliweyn. Wada

hadallada u socda Somalia iyo Somaliland marnaba lagama sugayo  inay midho dhalaan

inta Somalia ay gacanta ugu jirto hugunka iyo buuqa magaca aan jirin ee Somaliweyn

oo ay Somaliland ka xorrayday 1991. Haddii Somalia ay ka jirilahayd dawlad ay

leeyihiin dadka Somalia waxaa suurtogal noqonlahayd inay labada ummadood si weyn

isku fahmilahaayeen oo uu dhexmarilahaa is-aqoonsi iyo xidhiidh walaaltinimo

maadaama ay markii horeba ahaayeen laba dawladood oo is-raacay

Dulmiga iyo tacadiyada Somalia iyo Somaliweyn u geysteen ummadda Somaliland xilligii

midowgu ka sokow, waxaa kale oo Somailand aanay marnaba ula midoobayn Somalia waa

dawladda fawdada ah ee aan la kala lahayn kuna salaysan Somaliweyn aan jirin maanta

lana garanayn inay rumoobi iyo in kale. Lama saadaalinkaro samanka 5ta Somaliyeed oo

xor ah inta la arko ay Figradda Somaliweyn madaxa la soo kacdo mar labaad, lamana

garanayo inay midoobi iyo in kale. Haddaba su’aashu waxay tahay: Maxayy ummadda

Somalia danaheeda ugu seegaysaa dadyow Somaliyeed oo aan la hubin inay isku

imanayaan? Samankan Figradda Somaliweyn waxay isku bedashay Siyaasad ku dhisan

dulmiweyn iyo  isku-dul-noolaasho taas oo Somalida aan xorta ahayn ku soo qulqulaan

kuna mamaan xukunka iyo hantida Somalida xorta ah kana jeestaan inay xorreeyaan

dhulkooda. Ummadda Somaliland marnaba ma aqbalayso in magaca Somaliweyn mar labaad

lagu xukumo, lagu dulmiyo, lagu boobo, lagu xasuuqo, laguna burburiyo dadkeeda iyo

dalkeeda sidii dhacday intii u dhaxaysay 1970-1990.

Nabadgelyada iyo horumarka maanta ka jira Somaliland iyo Jabuuti waxaa sabab u ah

dawladnimada oo ku jirta gacanta dadka iska leh oo ka ilaaliya Somaliweyn aan jirin,

una daacad ah horumarka dalalkooda. Gobolka Kilinka 5aad ee  Itoobiya waxa uu

leeyahay maamul u gaar ah oo gacanta ugu jira Somalida gobolkaas u dhalatay oo

qudha. Sidaas oo kale, dadka metala gobolka Somaliyeed ee Waqooyi Bari Kenya waa

dadka u dhashay gobolkaas oo qudha. Dadbaa aaminsan in haddii qofku diido magaca

Somaliweyn uu ka baxayo Somalinimada. Somaliweyn diin maaha balse waxay ahayd aragti

isbahaysi qawmiyad ama jinsi rabay inay midoobaan oo suurtogeliweyday laakiin

Somalinimo waa dareen qawmiyadnimo ama  jinsinimo oo ka dhaxeeya 5ta Somaliyeed oo

astaan u ah  xidhiidh sokeeye iyo walaaltinimo.

Waxaa Qoray: Ibrahim Hassan Gagale

Email: ibrahim_hg@yahoo.com

Axmad Kismaayo oo soo saaray Buug la magac baxay — Hoygii Samata Baxa –
Horudhac

Buuggan oo qoraallkiisu billowday April / 2003 wuxuu iftiiminayaa

nolosha ummad muddo dheer la dhaxalsiyay dib-u-dhac, burbur iyo barakac

wejiyo kala duwan leh iyo sidii ummadaasi ay uga soo kabatay daannadii

kasoo gaartay adiyad xanuun iyo murugo badan, godob iyo gardarro urugo

iyo arami reebtay oo iyadoon galabsan lagula kacay.

Inkasta oo sheekadu ku qotonto dadka reer Puntland iyo inta la haybta ah

ee meelaha kala duwan ku kala dhaqan maanta, haddana wuxuu si gaara

toojka ugu ifinayaa gobollada W/bari Somaliya oo iyagu bud-dhigaha u ah

waqtiga iyo xaaladaha buuggu ka hadlayo oo ah intii ka horraysay

xilligii la yagleelay maamulka ay markii dambe ku bahoobeen beelaha

Puntland sannadii 1998.

Jilaaga ugu muhimsan ee buuggu waa jabhaddii SSDF oo iyadu xiriir iyo

saamayn qoto dheer ku leh dadka iyo dhulka buuggu faaqidayo. Hase

ahaatee wuxuu si baaxad leh u lafagurayaa waayaha iyo duruufaha ummadaas

ay ka dhaxashay maalmo kala duwan oo lasoo gudboonaaday.

Dadka ku dhaqan W/bari waxay dhibaato xoog leh kala kulmeen waayihii

kacaankii millateriga, waxyeello kale waxay kasoo gaartay jabhaddii SSDF

xilligii kacaanka iyo kadib, dhibaato kale waxay kaga timi beelo kale

oo Somaliyed waqtigii burburkii Somaliya 1991, dhibaato kale oo aad u

adag waxay kaga timi hawlgalladi ururka Itixaadka iyo dagaalkii uu

gobolkaas ka riday 1992.

Arrimahaas oo dhan ee sida gaarka ah u saameeyay ummadda W/bari waxay

ahaayeen godob laga galay dadkaas aanse laga garaabi karin sababta

keentay, laakiin arrinta xiisaha iyo ahmiyadda leh waxay tahay sida

ummaddani uga dabaalatay oo ay uga samata-baxday waxyeelladii lala

beegsaday iyo waayihii adkaa ee dawlad la’aanta iyo colaaduhu ay

Somaliya hareeyeen.

Fekerka dadka W/bari iyo hab dhaqanka dhulkooda ka jira waa astaan

nololeed oo ay ka faa’idaysan karto cid walba waana asaas laga ambaqaadi

karo markay noqoto fahamka dawladnimada iyo xeerka wada noolaashaha

bani’adamka. Waxaa buugu iftiiminayaa biseylka, wacyiga iyo dulqaadka ay

ummadaasi u yeelatay nabarrada xanuunka badan ee ka imanayay dhaawaca

dawlad la’aanta iyo gardarrada colaadeed ee lagula kacay.

Dhacdooyinka buuggu soo bandhigayo waa kuwo aad looga fiirsaday, laga

baaraan degay waqti badan lagu bixiyay xanaftirkooda, aad loo miisaamay,

hase ahaatee qoraal kasta oo bani’aadamku qoro lagama waayo khalad

lakin taas macnaheedu maaha in hadii khalad lagu arko buuggu yahay mid

ula kac loo sameeyay ama ujeeddo gaara laga leeyahay, maya taasi ma

dhicin.

Dhacdooyinka buuggu soo bandhigayo waa kuwo xaqiiq ku salaysan oo

qoraagu goobjoog ka ahaa, wixii kale ee aanu goobjoog ka ahayna wuxuu

soo bandhigayaa tixraaca halka sheekadaasu kasoo jeeddo.

Waxaa dhab ah in dhacdooyinka iyo arrimaha ku beegan waqtiga buuggu ka

hadlayo aanay dadku isku si u wada arkaynin, lakin taasi qoraaga kama

leexin soo bandhigidda wixii uu xog-ogaal u ahaa, wuxuuna xoogga saaray

inuu xaqiiqda usoo bandhigo sidii ay ahayd.

Waa wax dhici kara in meelaha qaarkood laga dareemo dhacdooyin kale oo

muhim ahaa oo qoraagu aanu soo bandhigin, hase ahaatee khasab maaha in

wax kasta oo dadku wada tabayo la soo bandhigo waxana lagu xisaabtami

karo ee wax la iska waydiin karo waxa weeye oo keliya waxa buugga ku

qoran.

Waxaa dhici karta buugaan inuusan raalligelin dad badan, qaar kale ay ka

caroodaan meelaha qaarkood, laakin waa in maskaxda lagu hayo inaan

markii horeba qorshaha aanay ku jirin in buuggu dadka oo dhan lagu wada

raalligeliyo waayo raalligelinta dadka oo dhan waa himilo uusan qofna

gaari karin. Keliya waxan kalsooni ku qabaa in anigoo ku qanacsan

arrimaha buuggu soo bandhigayo inay yihiin taariikh xaqiiq iyo miisaan

ku salaysan waana taas arrinta qiimaha iigu fadhida.

Waxaa la isku raacsan yahay in ALLAH iyo Rasuulkiisa mooyee ay cid

kataaba gefto, qof walba oo wax qoraa waa hubaal inuu ku dhacayo khalad

nooc kastaa ha noqdee, shakhsi ahaan ma jiro gef ama aragti khaldan oo

si ula kac ah aan ugu daray buuggan. Si aan taas uga fogaado waxaan ku

dadaalay inay buugga akhriyaan dad tira badan oo kala aragti duwan,

sidoo kale laftayda waxaan buugga ku laabtay marar badan anigoo taas uga

gol leh bal inaan dib u dhuuxo oo dhinac kasta ka eego qaabka uu buuggu

u dhigan yahay ama uu wax u cabbirayo.

Sidaas darteed, qofkii buuggan ku arka waxyaabo khalad ah nooc kastaa ha

noqdeene, iyo macluumaad kala dhiman ama ka duwan sidii uu arrinku ahaa

waxaan diyaar u ahay inaan soo dhoweeyo, dhaliil, marin-toosin iyo

sixitaan intaba.

Danta laga leeyahay cilmi-baaristan waxa weeye in la helo dhaxal iyo

raad taariikheed oo la xiriira dhacdooyinka buuggani daaha ka qaadayo

kadibna baraarujin u noqdo jiilasha soo socda waqtiga fog , si wixii

hagaagsan loogu daydo, wixii gef iyo qallooc ahna looga leexdo.

Axmed Maxamed Cali (AXmed Kismaayo)

FAALLO:Faroole Sow Ma Noqon Dagaal Ooge Far dheer !!
Faroole iyo Wiilasha uu dhalay oo Puntland raba inay noqto North Korea

Somalida aduunka ku dhaqani waxaa aay daawadeen  Faroole iyo reerkiisa oo magan u ah Uhuru Kanyata kana baryaaya  in uu taageero u fidiyo sidii uu u aqoonsan lahaa  dhismaha Jubbaland  iyada oo la ogyahay in Somalida iyo aduunka oo dhami aay ku tilmaameen dhismaha Jubbaland  mid ku yimid sadbuursi iyo caadifad qabiil kana soo horjeeda dastuurka Somali ku heshiisay.

Waxaad moodaa in Faroole iyo reerkiisa aay u hamuun qabaan in dagaalkii sokeeye uu markale soo noqdo,waxaa marag ma doonta ah in SSDF ay aheeyd ururkii ugu horeeyay ee bilaaba dagaalkii sokeeye ee Somalia ugu danbeeytiina qarxay 1991.

Waxaan aad ugu xumahay in xiligaan Faroole uu u muujiyo wallalaha Ogaadeen oo runtii abaal aad u weeyn aay ku leeyihiin  Somaalida  oo dhan 77 kii unna qubay dhiigooda in manta kuwii  Ethiopianka dabadhilifka u ahaa xiligaa in mantana si caadifadeeysan ugu taageeraan Jubbaland iyada oo la ogyahay in shacabka Ogaadeen aay dharaar cad ka gadan jireen Ethiopia lana ogyahay Faroole in uu ku tilmaamay in Ogaadeen uusan  Somali aheeyn balse aay yihiin.

Fidnada  Faroole ee taageerida  Jubbaland waa mida ku timid dowlad naceeyb iyo maxaa SSFD  r/wasaare loo siin waayay sidii Cumar C/rashiid iyo C/weli xaga dowlada federaalka,waxaan leeyahay wallalaha Ogaadeen ee degen Jubbaland cidi wax umma diidana balse Cumar C/rashiid iyo Faroole siyaasada aay idiin dhigayaan ka hara Puntland ayeey degen yihiin not jubbaland hadsafkooda waa burburka Somalia iyo in aanan dib loo soo celin qaranimadii Somalia.

Puntland Ogaadeen wax kuma laha taladiinana kama socoto oo Faroole iyo reerkiisa ayaa isku koobay,waxa hada ka socdaa Puntland iyo marxaladda ay haatan mareyso  waataa kulan lagu wado in lagu qabto magaalooyinka Bosaso iyo Qardho midkood ilaa 25 ilaa 26 bishaan Jun intaba waxaa aay muujinaayaan dhibka Faroole ka geeystay Puntland iyo sida Puntland looga diidan yahay in uu kaligiistaliye xumuko.

Faroole waa kaa bal ha yimaado Muqdisho haddii uu ka mid yahay kuwa wax ku sheegta Jubbaland,shirka dib u heshiisiinta ee Muqdisho lagu qabanaayo waxaa uu u dhaxeeyaa inta ilaah xaqa u siiyay Jubbaland iyo dowlada federaalka oo ajendaha iyo fadhiga masuul ka ah not Faroole and Puntland .

Soomaliya wexeey ku jirtaa xilliligii la soo celin lahaa qaranimadii Somali ee dhuntay 1991,runtii xilligaani waxaa waajib nagu ah in laga shaqeeyo sidii loo kasban lahaa taageerada shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si aanu u helno taakuleeyn dhaqaale kaas oo inoo suurta geliya dib u dhiska dalka iyo kobcinta dhaqaalaha,dowladduna aay  ku qanciso shacabka Soomaaliyeed canshuurta ay bixiyaan in loogu adeego ee aan jeebka la gashan sabbabna aayan u noqon dowlad masuqmaasuq ah in umada lagu hogaamiyo.

Dhinaca kale, waxaa xaqiiqa ah, shacabka Soomaaliyeed inuu waayo arag u yahay wixii uu soo maray iyo sababihii kiciyay dagaalada sokeeye. Sidoo kale wuxuu markhaati ka yahay in dowlada hadda noo dhisan aaneey aheeyn mid ku meel-gaar ah balse aay tahay mid ku timid  doorashado xalaal ah xilkana Somalida u hayndoodnto 4 sanno ,waxaa lagu jiraa sidii uu dalka uga faa-iideysan lahaa deeqaha aan aheyn gargaarka deg-degga ah (emergency relief aid) ee la siiyo waddanka Soomaaliya loona soo mariyo hey’adaha UN-ka ee xarunta ka dhigtay Somalia.

Sida oo kale xukuumaddu waxaa aay  howl gelin ugu jirtaa  sidii ay tala ugu yeelan laheyd habqeeybsiga  isticmaalka boqolaalka malyan ee doolar ee sannad walba uu aduunweynuhu ugu gargaaraayo Somaliya sidii si simman aay u heli lahaayeen dhamaan gobolada dalka iyada aanan loo fiirin xukunka guracan ee gobolwalba ka jira balse shacabka ku nool gobolada dalka  si simman waa in aay dowlada kula dhaqantaa haddii aay rabto in shacabka u arko mid xalaal ah,maaha in shacabka Somaliland lagu dhaafo waa Somaliland oo Somalinimada waa diideen,shacabka waa shacab Somali ah cida xukuntaa laguma nici karo.

Sheekhii Faroole u soo faaliyay Jubbaland oo dacaroonaya bal ila dhageeysta allow aaway xishoodkii duqani waxuu ahaa faalalowgii Mudug madaxda ugu ahaa Faroole oo dagaal iclaaminaya  Nin daad qaadey xunbo cuskey.

Dr.Ali.A.Hirabe

Hirabe_a @hotmail.com

DAAWO VIDEO:Haweeney U dhalatay dalka Czech Republic oo halmar dhashay 5 Caruur Mataano ah [Mucjiso]
Alexandra Kinova oo ah Haweeney 23 jir ah una dhalatay dalka Czech Rebublic ayaa waxay mar qura ah  umushay 5  caruur ah oo mataano ah taasoo ay ku dhigtay rikoor cusub dalkeeda oo ay ka noqotay qofkii ugu horeeyay ee hal maalin dhala 5 caruur mataano ah.

Caruurta ayaa lagu dhaliyay isbitaal hooyada iyo dhallaanka ee Prague waxaana la sheegay inay dhamaan shantooda wada caafimaad qabaan, waxaana ay uurka ku sidday 31 isbuuc iyadoo horey loogu sheegay inay uur laba mataano ah siddo balse aysan fileyn 5.

Mataanaha ayaa noqday 4 wiil oo isla socday laba laba iyo hal gabar, waxaana ay hooyadana iyo ninkeeda horey u haysteen hal cunug kaliya ayagoo haatan ka cabaaday dhaqaale xumo soo wajahi doonto maadaama uu ninkeeda yahay xoogsade.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA;