GARSOORNEWS.COM – Fastest Independent Somali News Source

Arsen Wenger:“marna kuma fikirin inaan katago shaqadeyda.”

ggggTababaraha reer Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay inuusan haatan ku fekereynin inuu ka tago shaqadiisa, inkastoo xaalada kooxdiisa ay ku sugan tahay haatan ay tahay mid aad u liidata.
 
Tababaraha Gunners ayaa booskiisa su’aal laga keenay mar kale ka dib markii bartamahii isbuucaan ay guuldarro 3-1 ay ka soo gaartay Bayern Munich taasoo ay sii raacday FA Cup oo ay uga hareen gacmaha Blackburn iyo Bradford oo ka reebtay Capital One Cup.
 
Markii si toos ah loo weydiiyay hadii uu ka fiirsaday shaqadiisa kooxda, Wenger ayaa ku jawaabay: “Marnaba. Marnaba xitaa hal ilbiriqsi.”
 
63 jirkaan ayaa kooxdiisa ay ku dhow inay xilli ciyaareedkii 8aad ku dhameysato koob la’aan ah, iyadoo qandaraaska uu kooxda Arsenal uu kula jiro uu dhacayo 2014.
 
Si kastaba, inkastoo arimo aan niyadsameyn ay ku gaaf wareegsan yihiin kooxda, Wenger ayaa sheegan inaan la joogin xilligii uu ka dhaqaaqi lahaa mas’uuliyada hortaala, isagoo sheegay in si ka fiican sidii hore inuu haatan diyaar ugu yahay shaqadiisa.

You must be logged in to post a comment Login

Photo Gallery

Designed by Afrotech