GARSOORNEWS.COM – Fastest Independent Somali News Source

Akhriso Taariikhda Taliyiha Cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Somalia Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe)

Taliyeyaal la bedelay 04Muqdisho(Garsoornews)–Waxaan halkaan adiinku soo gudbinaynaa Taariikd nololeedka Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) oo kooban.
 
Dhalasho: Gobolka Mudug Magaalada Galkacyo 1948.
 
Waxbarasho: Dugsiga Hoose (Sudan Interior Mission School) ee magaalada Buulo Burte.
 
Dugsiga Dhexe ( American Minnenite Mission) oo la oran jiray Shabeelle Intermedite School ee magaaladda Jowhar.
 
Dugsi Sare wuxuu ku soo qaatay Benadir Secondary School ee magalada Muqdisho.
 
Waxuu aqoonta Jamacad ku soo qaatay USA University of Massachusetts Boston,Wuxuu ku soo biiray Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed 1968, wuxune tababar ku soo qatay Kuliyadda Tababarka Ciidanka ee magaalada Odessa ee dalkii Midowga Soofiyeeti.
 
Tababarka Ciidan: wuxuu tababarro guud iyo kuwo khaas ku qaatay dalka gudihiisa (Tababar Abbanduul) iyo dibeddiisa (Command General Staff College, Kansas, USA).
 
Wuxuu ka soo shaqeeyay qeybo badan ee Ciidanka Xogga Soomaliyeed (Qeybta 60-aad, Qeybta 21-add, Qeybta 26-add), isagoo ka qabtay xilal howlgal iyo mid hogaamiyeed. Sidoo kale wuxuu jagooyin kala duwan ka qabtay Taliska Guud ee Wasaaradda Gashandhigga iyo Kuliyadihii waxbarashada ee Xogga Dalka Soomaaliyeed.
 
S/Guuto Dahir Adan Elmi wuxuu mudadii Ciidanka uu ka tirsanaa muujiyay Hawlkarnimo, Hoggamin, Mamul Hufan iyo Geesinnimo. Sifooyinkaas awgeed wuxuu ku muteystay Billadda Dhabka ee Geesinnimada.
 
Garsoornews.com

You must be logged in to post a comment Login

Photo Gallery

Designed by Afrotech