GARSOORNEWS.COM – Fastest Independent Somali News Source

Akhriso isku aadka Wareega 16 ee Europa League

iIyadoo uu soo dhamaatay wareega 32da ee koobka Europa League, waxaa 7da bisha soo socota bilaaban doona wareega 16ka ee koobkaan, iyadoo kooxdii difaacaneysa ee Atletico Madrid ay ku baxday gacmaha kooxda Rubin Kazan.
 
Kulamada xiisaha leh ee wareega 16ka waxaa ka mid ah kulanka ay isku wajahayaan kooxaha Tottenham iyo Inter Milan, iyadoo Tottenham ay ka soo talaabsatay Lyon halka Inter ay si sahlan uga soo gudubtay Cluj.
 
Benfica oo wareega 32da ka soo takhalustay Bayer Leverkusen ayaa iyadana waxa ay wareega 16ka ku dhici doonaa Bordeaux oo iyadana ka soo gudubtay Dynamo Kyiv.
 
Stuttgart iyo Lazio ayaa iyagana wareega 16ka isku haleeli doona, si la mid ah kooxaha Basel iyo Zenit oo si ciriiri ah uga soo fakatay Liverpool ayaa iyagana isku dhegan.
 
Anzhi Machakala ayaa iyadana waxa ay ku dhici doontaa kooxda Newcastle, halka kooxda kaliya ee reer Spain ee ku soo hartay tartankaan Levante ay iyadana wajihi doonto Rubin Kazan.
 
Chelsea ayaa iyadana ka badbaaday kulan ay wareega 16ka isku aadi lahaayeen Ajax, waxaana ay taasi bedelkeeda la ciyaari doonaan Steaua Bucuresti oo rigoore kaga soo takhalustay kooxda Ajax.
 
ISKU AADKA WAREEGA 16ka EUROPA LEAGUE:
 

Victoria Plzeň vs Fenerbahçe,

Benfica vs Bordeaux,

Stuttgart v Lazio,

Basel vs Zenit,

Anji vs Newcastle,

Tottenham vs Inter,

Levante vs Rubin,

Steaua Bucuresti vs Chelsea.

Garsoornews.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Sports & Siyaasadda

 

You must be logged in to post a comment Login

Photo Gallery

Designed by Afrotech