Yaa Noqday Musharaxii u horeeyay ee Isdiiwaan galiya

by Farah C/laahi | Thursday, Jan 26, 2017 | 43 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Musharax Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa noqday Musharaxii ugu horeeyay ee is-diiwaangaliya.

Gudigga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saaka xafiiskooda waxa tagay Musharax Shariif Sheekh Axmed kaasi oo is diiwaangaliyay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sanadkan kamid ah dadka tartanka xooga leh ku jira, waxana la filayaa in uu safka hore ka galo doonista xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Isdiiwaan galinta xilka Madaxweynanimo ee Soomaaliya ayaa soconeysa sadax maalin, waxana la filayaa in musharaxiin badan ay is diiwaangalin doonaan.


Dhanka kale Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa booqday Hoteelka Dayax oo shalay weerar culus ay ku qaadeen dabley hubeysan oo ka tirsan Xarakada AL Shabaab.

Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmay Madaxda Hoteelka iyo dhamaan dadkii halkaa ku sugnaa, waxana uu uga tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkii shalay ka dhacay Hoteelka Dayax ee Magaalada Muqdisho.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response