Yaa Ku Haboon Xilka Ra’iisul Wasaaraha Dalka Somalia?

Yaa Ku Haboon Xilka Ra’iisul Wasaaraha Dalka Somalia?

0
SHARE

Abdulahi Nur Colombo (Garsoor Online) — Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo 8-dedii Bishan February Sannadkan 2017-ka loo doortey xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxii waqtigaa ka dambeeyey waxa uu guda galey la tashiyo kala duwan oo qeybaha bulshada soomaaliyeed uu kala tashanayo qofka uu u magacaabi lahaa xilka Ra’iisal wasaaraha iyadoo dadka ka faalooda arimaha siyaasada ay qaadaa dhigayaan in Madaxweyne Farmaajo ay hortaalo tijaabadii iyo imtixankii koowaad ee lagu qiimeyn lahaa qofka uu u magacaabayo ama u xulanayo inuu noqdo Ra’iisal wasaaraha ay wada shaqeyn doonaan afarta sannadood ee uu xilka haynayo hadii alle uu yiraahdo.

Sida la ogyahay Madaxweyne Farmaajo oo haatan degan Hotel Jaziira ee Magaalada Muqdisho waxa uu xafiiskiisu yahay mid aad u mashquul badan iyadoo rag badan oo halkaas ku qul qulaya ay xusul duub ugu jiraan in loo magacaabo xilka Ra’iisal wasaaraha.

Inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu xaq u leeyahay qofkii uu doono inuu u magacaabo xilka Ra’iisal wasaaraha misana aragtidayda ka muwaadin soomaaliyeed ahaan waxaan jeclahay in xilkaas culus uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabo kuna aamino nin la yiraahdo Dr Cabdi Nur Sheekh Maxamed Maxamud oo degan Gobolka Ohio gaar ahaan Magaalada Columbus ee Dalka Mareykanka.

Hadaba hadii aan taariikh kooban ka bixiyo Dr Cabdi Nur waa aqoonyahan soomaaliyeed oo haysta Shahaadada Phd waxaana uu ahaa Wasiirkii Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee dawladii uu Ra’iisal wasaaraha ka ahaa Mudane Farmaajo waxaana waqtigaas Dr Cabdi Nur uu ahaa Wasiir ka dhex ifaya xukuumada waxaana lagu amaanay inuu ahaa nin shaqadiisa si wanaagsan uga soo baxa, Aamin ah,Daacadnimo lagu bartey sidoo kalena u Cadaalad fali jirey shaqaalaha la shaqeeya isagoo mudadii uu joogey ardeyda dugsiyada wax ka barata ku dadaaley in kuwa aqoontoodu sareyso ay helaan waxbarasho dibada ah.

Shaqsiyan Dr Cabdi Nur waa nin aan si wanaagsan u aqaano marar badana aanu kulanay waxaana sida ALLE igu ogyahay aan ku aqaan inuu yahay nin ILLAAHEY ku xiran oo Iimaankiisu uu aad u xoogan yahay, Daacad ah,Wadani ah oo Soomaalinimada ay ku weyn tahay, Qabyaalad ku dhaqan aan lagu aqoon, Codkar ah oo dadka hadalka si aad u wanaagsan u deeqsiiya, Ajnabiga aan ka heybsan,Hawl kar ah,Akhlaaqdiisu ay aad u wanaagsan tahay,Dadka aan iska weyneysiin, Musuq Maasuqa neceb,Naxariis badan aadna u jecel Soomaaliya oo sharafteedii iyo karaamadii caalamka ay ku laheyd u soo noqota.

Dr Cabdi Nur Sheekh Maxamed mudadii soomaaliya ay bur burka ku jirtey waxaa uu abaabulay shirar dhawr ah oo xal loogu raadinayey arimaha soomaaliya waxaana uu aasaasay Urur la yiraahdo “U ISTAAG SOOMAALIYA” STAND UP FOR SOMALIA MOVEMENT. waxaana uu har iyo habeen u taagan yahay sidii ay soomaaliya dhibaatada dawlad xumida ku daba dheeraatey ay uga bixi laheyd una heli laheyd dawlad wanaagsan oo shacabkeedu ay ku qanacsan yahiin.

Ugu dambeyn ILLAAHAY ha u fududeeyee xilka culus ee loo doortey Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxaan aaminsanahay shaqsiyan in hadii ay dhacdo inuu xilka Ra’iisal wasaaraha uu u magacaabo Dr Cabdi Nur Sheekh Maxamed isaguna uu soo magacaabo Gole Wasiiro oo Alle ka cabsi, Wadniyad,Aqoon iyo Karti lagu soo xuley soomaaliya waxa ay cagta saari doontaa wadadii guusha iyo horumarka Insha allah.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

W/Q: Abdulahi Nur Colombo

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY