Yaa iska lahaa hubkii lagu qabtay Kismaayo

Yaa iska lahaa hubkii lagu qabtay Kismaayo

0
SHARE

KISMAAYO (Garsoor Online) — Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Markab sidey shixnado Raashiin ah kaasi oo laga helay hub oo lagu qabtay Dekada Magaalada Kismaayo.

Sarkaal ka tirsan Dekada magaalada kismaayo oo Magaciisa qariyey ayaa waxaa uu sheegay in Markabka gudihiisa ay ku arkeen Biskoolado iyo hub si qarsoodi ah loo qariyey isagoona tibaaxay in la doonayey in la giliyo Gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada amaanka kismaayo ayaa xiray kabtankii Markabka iyo shaqaalihii saarnaa iyadoona Markabkani uu ka diiwaan gishan yahay Dalka Koonfur Afrika.

Mid ka mid ah kabtanaha Markabkaasi ayaa sheegay in Markabka uu u raran yahay ganacsade lagu magacaabo Cabdi Jamaal waxaana wararka qaar ay sheegayaan in hubka laga helay Markabkaasi loo diiday ururka Daacish inkastoo aan si rasmi ah oo cadeyn karin arintaasi.

Saraakiisha Itoobiya iyo Kuwa Jubbaand ayaa wada baaritaano dheeraad ah oo ay ku doonayaan in ogaadaan hubka cida loo waday iyadoona tani saameyn xoogan ay ku yeelatay dhadhaqaaqa Dekada Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY