Xubin Muhiim ah oo Laga Saaray Gudiga Anshaxa

by Farah C/laahi | Wednesday, Feb 1, 2017 | 32 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Faadumo Qaasim Dayib oo ka mid aheyd Guddi Dhawaan uu Magacaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegtay in laga saaray Liiska Guddigaas , islamarkaana Hadda aysan ogeyn Sababta Keentay in Liiska laga saaro.

Faadumo Qaasim Dayib ayaa ku jirtay Liiska Guddiga Anshaxa iyo Asluub-wanaagga ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhawaan Mar ay la hadashay Warbaahinta Waxaa ay sheegtay in ay waxbadan qaban doonto madaam Guddigaas lagu daray.

Majiro War rasmi ah oo cadeynaya in Faaduma laga saaray Liiska oo kasoo baxay Gudoomiyaha Baarlamaanka Laakiin Warkaan iyada ayada laga soo xigtay.

Faadumo Qaasim Dayib ayaa horay u sheegtay in ay u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya inkastoo Markii dambe ayaa sheegtay in ay iscasishay.

Xigasho: Radio Risaala

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response