XOG: Muran Ka Tagaan Halka ay ka dhaceyso Doorashada

XOG: Muran Ka Tagaan Halka ay ka dhaceyso Doorashada

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Warar uu helay Warsidaha Garsoor Online ayaa sheegaya in dood ay ka taagan tahay, halka ay ka dhaci doonto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya bishan 8.

Waxaa la sheegayaa in xitaa gudigga doorashada uu isku khilaafsan yahay halka ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha, waxana la sheegayaa in la isku heysto meesha sida rasmiga ah ay ka dhaceyso.

Xildhibaano mucaarad ku ah Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalbanaya in doorashadu ay ka dhacdo Xarunta xalane ee gudaheeda.

Waxana arrintaasi ku waafaqsan qaar kamid ah hogaanka barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka socda beesha Caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dadka taageersan ayaa ku doodaya in doorashadu ay ka dhacdo dugsiga Janaraal Kaahiye (Iskuul Buluusiya), halkaas oo aheyd meeshii lagu qabtay doorashadii midan ka horeysay.

Xildhibaanada isbadal doonka ah ayaa sheegaya in ay ka cabsi qabaan in goobta doorashadu ay ka dhaceyso ay noqoto meel la isku afduubto.

Baqdinta ayaa ah in Xasan Sheekh iyo saaxiibadiis ay sameeyaan wax qal-qal galin karax xildhibanada Mucaaradka ku ah Madaxweynaha hada jira.

Wali go’aan rasmi ah lagama gaarin halka lagu qaban doono doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, laakiin Magaalada Muqdisho waxaa laga dareemaa in Amaanka aad loo adkeeyay.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY