XOG: Dagaal Ka Abuurmay Cida Loo Magacaabayo Xilka Gudoomiyaha Bangiga Dhexe

XOG: Dagaal Ka Abuurmay Cida Loo Magacaabayo Xilka Gudoomiyaha Bangiga Dhexe

0
SHARE

Warar hoose oo uu helay Garsoor Online ayaa muujinaya in dagaal iyo hardan adag uu ka jiro cida loo magacaabayo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Durba waxaa soo baxay warar sheegay in Maxamed Aadan Ibrahim Fergeti uu doonayo in laga dhigo Gudoomiyaha Bandhiga dhexe.

Laakiin xubno lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xilkaasi uu Madaxweyne Farmaajo la doonayo qof aan aheyn Mr. Fargeeti.

Ilo ku dhaw Madaxweynaha ayaa u sheegay Garsoor Online in Madaxweynaha uu doonayo in xilkaasi uu u Magacaabo Yusro Abraar oo ah qof taageero badan ka heysta Caalamka.

Farmaajo ayaa wado Isbadal uu kula dagalamayo Amni xumada iyo Musuq maasuqa ragaadiyay dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY