XOG: Boobka Hanti Qaran oo Ka Socda Villa Somalia

XOG: Boobka Hanti Qaran oo Ka Socda Villa Somalia

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garsoor Online in Madaxtooyada Soomaaliya ay ka soconeyso boob iyo bililiqo lagu hayo hantida qaran ee halkaa ku xareysan.

Agab u badan gawaarida aan xabadu karin, Hub iyo waxyaabo kale oo muhiim ah ayaa la sheegayaa in lagala baxay Villa Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay.

Dadka arrintan sameynaya ayaa u badan xubno ku dhaw-dhaw Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa Villa Soomaaliya ku yaalla Keydka 3aad ee wasaarada Gaashaandhiga, waxana la rumeysan yahay in hub badan lagala baxay saacadihii la soo dhaafay.

Dad falkan sameynaya ayaa qaarkood la sii ogaaday Magacyadadooda inkastoo wali Garsoor Online uusan go’aansan in uu shaaciyo.

Xiligan kala guurka ah ee xil wareejintu ay dhaceyso ayaa inta badan waxa dhaca dhacdooyin u muuxda boob hanti qaran.

Sandkii 2012kii waxaa la soo wariyay in dad ku dhawaa Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ay boob ku sameeyeen hantidii Villa Soomaaliya iyadoo la xiray dad lala xiriirinayay ficilkaas.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY