Axmed Madoobe oo Laga Dhigayo Salfakiirka Somalia

by Farah C/laahi | Wednesday, Feb 15, 2017 | 67 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Shixnado Hub ah ayaa ka dagay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Jubbaland sida ay ilo deegaanka ah u xaqiijiyeen Garsoor Online.

Hubkan ayaa laga keenay dalka Ethiopia, waxana la doonayaa in lagula dagaalamo dowladda cusub ee Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo taageero badan ku dhex leh shacabka Soomaaliyeed.

Siyaasiyiin ka tirsan Jubbaland ayaa u sheegay Garsoor Online in qorshaha Ethiopia uu yahay in Axmed Madoobe laga dhigo Salfakiirka Soomaaliya, si uu qas iyo dagaal u galiyo dowladda hada dhalatay.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu dareemayo qalqal badan madaama uu Farmaajo ka soo jeedo dadka deegaan ah ugu badan gobolada Jubooyinka.

Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyaa inuu dhibaato badan u geystay qoyska uu ka soo jeedo Farmaajo dhawrkii sano ee la soo dhaafay ee uu ka arriminayay Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Doorashadii Farmaajo kaddib  Axmed Madoobe ayaa xabsiga ka siidaayay boqolaal maxaabiis ah oo ku heyb ah Madaxweynaha la doortay ee Farmaajo.

DHAGEYSO Siyaasi Si Faahfaahsan uga hadlaya Waxa ka jira Magaalada Kismaayo:

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response