Xildhibaano iyo Senatoro Ku Baxay Xiisada Siyaasadeed ee Galmudug

by Farah C/laahi | Wednesday, Jan 18, 2017 | 220 views

CADAADO (Garsoor Online) —   Qaar kamid ah Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaliya ee laga soo doortay maamulka Galmudug ayaa gaaray Magaalada Cadaado iyadoo kuwa kalana ay ku wajahan yihiin halkaa.

Wararka ayaa sheegaya in u jeedada ugu weyn ay halkaa u tageen ay tahay qaboojinta xiisada siyaasadeed ee ka dhanka ah Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Xubno ka tirsan Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Galmudug ayaa u sheegay Garsoor Online in xildhibaan Bootaan Ciise Caalin, Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow Dhegdheer ay hada ku sugan yihiin Cadaado.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in maanta xildhibaano kale oo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay gaari doonaan Cadaado.

Mas’uuliyiintan ayaa u jeedadooda ugu weyn ay tahay in ay kala fur-furaan 54 xildhibaan oo ka soo horjeeda Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed kuwaasi oo horay ugu dhawaaqay in ay xilkii ka qaadeen.

Madaxweyne Guuleed ayaa hada ku sugan Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxana shalay Cadaado ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamada Galmudug.

Siyaasada Galmudug ayaa qasan waxana xidlhibaanada Madaxweynaha ka soo horjeeda ay ku eedeeynayaan in uu ku fashilmay shaqooyinkii ay u igmadeen hal sano iyo bar ka hor.

Garsoor Online — CADAADO

Like it? Share it!

Leave A Response