Xildhibaanada GALMUDUG oo ka horyimid codsiga RW Somalia

by Farah C/laahi | Monday, Mar 20, 2017 | 42 views

Cadaado (Garsoor Online)—Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa ka soo horjeestay codsiga uga yimid Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

RW Xasan ayaa bayaan uu soo saaray waxuu uga dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi in ay dib u dhigaan doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Galmudug oo la qaban la haa 21-ka bishan.

Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo ka mid ah guddi Xildhibaano ah oo Baarlamaanka Galmudug u xil saaray qaban qaabada doorashada Madaxweynaha ayaa sheegay in 28-­ka bishan ay dhici doonto doorashadaasi.

Mudane Geelle ayaa waxuu tilmaamay in mudadan aan dib looga dhigi karin doorashada waqtigaasi sababo la xiriirta abaarta, amniga iyo arrimo kale oo maamulka laga doonayo inuu deg deg ku qabto.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa doonaya in Madaxweyne cusub ay doortaan, maadaama Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi C/kariin Xuseen Guuleed uu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka.

Like it? Share it!

Leave A Response