Xildhibaan Maanta Lagu Xiray Magaalada Kismaayo

by Farah C/laahi | Tuesday, Jan 31, 2017 | 29 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose ayaa ku waramaya in ciidamada Jubbaland ay xireen xildhibaan ka tirsan Maamulkaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa u xaqiijiyay Garsoor Online in xildhibaanka la xiray uu yahay Shuceyb Ibraahin Faarax.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada NISA ee ka amar qaata Axmed Madoobe ay guri uu ka dagan yahay xildhibaanka Magaalada Kismaayo ay kala baxeen, isla markaana ay xireen.

Lama oga sababaha ka danbeeya xarigiisa, hase ahaatee waxaa la sheegay in Xildhibaanka lala xiray qof dumar ah.

Xildhibaan Shuceyb Ibraahin Faarax ayaa aha mudane laga soo doortay Gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland, waxana la sheegaa in inta badan dadka ka soo jeeda Gedo aysan ku qanacsaneyn hogaanka Axmed Madoobe.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response