Xildhibaan kale oo lagu dhaawacay Magaalada Gaalkacyo

by Farah C/laahi | Friday, Mar 10, 2017 | 56 views

Gaalkacyo (Garsoor Online) – Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday Guri ku yaalla Magaalada Gaalkacyo oo dagan yahay Xildhibaan ka tirsan Golaha Degaanka Maamulka Puntland.

Xildhibaankan oo magaciisa lagu sheegay Cabdifitaax Maxamed ayaa dhaawac gacanta ah waxuu ka soo gaaray Weerarkaasi, sida Wariye Cali uu soo wariyay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ayaa ka hortagay Weerarkaasi, maadaama Kooxihii hubeysan aysan u suuro gelin in ay khaarajiyaan.

Dhaawaca fudud ee Xildhibaanka soo gaaray ayaa lagu dabiibayaa Isbitaal ku yaalla Magaalada Gaalkacyo.

Magaaladan ayaa maalin ka hor waxaa lagu dhaawacay Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland kadib markii uu qarxay waxyaabo qarxa oo lagu xiray gaarigiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response