Xildhibaan Goodax Barre oo Fashiliyay Dhagarta Garbre

by Farah C/laahi | Friday, Feb 10, 2017 | 65 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay doorashadii Arbacadii ka dhacday Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Cabdulaahi Goodax Bare oo kamid ahaa xildhibaanada isbadaldoonka ayaa sheegay in ay ka guuleysteen Janaraal Gabre oo doonayay in uu siyaasada ka gumeysto Soomaaliya.

Goodax Bare ayaa tilmaamay in wixii dhacay ay ahaayeen rabitaanka shacabka Soomaaliyeed barlamaankuna uu markasta yahay mid matala Umadda.

Xildhibaanka ayaa qiray in Soomaaliya ay qatar daran ku socotay, isla markaana la doonayay in siyaasad ahaan loo gumeysto dalka.

DHAGEYSO Xidlhibaan Cabdulaahi Goodax Bare

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response