Xil ka Qaadis Lagu Sameeyay Hogaamiye Sare oo Ka Tirsan Ahlu...

Xil ka Qaadis Lagu Sameeyay Hogaamiye Sare oo Ka Tirsan Ahlu Sunna

0
SHARE

DHUS-MAREEB (Garsoor Online) — Madaxweynaha maamulka Ahlu sunna ee goboladda dhexe ayaa xil ka qaadis ku sameeyay mid kamid ah madaxweyne ku xigeenada maamulkaasi.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka gobolada dhexe ayaa waxaa lagu shaaciyay in xilkii laga qaaday Saadaq Sheekh Yuusuf oo kamid ahaa madaxweyne ku xigeenada maamulkaasi.

Muxidiin Cali Jimcaale oo ah madaxa warfaafinta maamulkaasi ayaa sheegay in xil ka qaadista Saadaq ay ka timid dhanka madaxweynaha maamulka Ahlu sunna.

Saadaq Sheekh Yuusuf, ayaa lagu tiriyaa inuu kamid ahaa masuuliyiinta ugu firfircoon maamulkaasi, waxaana la ogeyn sababta xil ka qaadistiisa ka dambeysay.

Saadaq Sheekh Yuusuf, ayaanan wali ka hadlin xil ka qaadista lagu sameeyay.

Garsoor Online — DHUS-MAREEB

LEAVE A REPLY