Xasan Sheekh halkee Aadi doonaa ka dib wareejintii

by Farah C/laahi | Friday, Feb 17, 2017 | 52 views

Xasan Shekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo saacadihii la soo dhaafay baneeyey Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa intaa Waxaa ay ku darayaan  inta uu wareejin Xilka Madaxweytanimo ee Soomaaliya in Villa Soomaaliya  uu kulan kula qaatay xubnaha damul jadiid ee ku hareereysnaa 4tii sano ee la soo dhaafay,isagoona ugu digay in ay mucaaradaan Dowlada uu majaraha uu u hayo Madaxweynaha Cusub Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Madaxweynihii Hore Soomaaliya ayaa xubanaha kooxdiisa u sheegay in Siyaasada Soomaaliya uu la socon doono maadaama uu yahay Xildhibaan ka tirsan Barlamaanaka Sida uu qorayo dastuurka Dalka, waxaana la filayaa ka dib markii ay dhacdo 22 bishan Munaasabada caleema saarka Farmaajo in uu u ambabaxo Dalka dibadiisa.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Xasan Sheekh uu tagi doono Wadamada tansaaniya iyo turkiga halkaasi oo ay dagan yihiin labadiisa qoys.

Khamiistii ayey aheyd markii si rasmi ah Xasan Sheekh Maxamuud uu u baneeyey Villa Soomaaliya ka dib Xaflad halkaasi ka dhacday, 8 Bishan ayey aheyd markii farmaajo uu ku guuleystay Doorasho ka dhacday Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response