Xasan Sheekh oo si kulul u weeraray Sadax Musharax

by Farah C/laahi | Friday, Feb 3, 2017 | 9 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u weeraray siyaasiyiin xilal horay uga soo qabtay Soomaaliya, kuwaasi oo hada kula tartami doona hogaanka Madaxtinimada Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dacwadii ICJ ay aqbashay ku tilmaamay guul uu maamulkiisu gaaray, isla markaana waxa uu dhaleeceeyeen Shariif Sheekh Axmed, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsme.

Dhanka kale, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu weeraray Musharax Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxana uu ku tilmaamay siyaasi dayacay umadda Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Farmaajo uu meel cidla ah uga tagay Umadda Soomaaliyeed oo wadooyinka u taagan oo rabta in uu sii hogaamiyo dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in siyaasiyiin nuucaasi oo kala ah aan lagu aamini karin hogaaminta Qaranka Soomaaliya.

Dhageyso Hadal Kulul oo uu shalay Jeediyay Xasan Sheekh Maxamuud:

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response