MD Xasan : Kulankii Faroole Waxba Igama Badalin Aniga

by Farah C/laahi | Saturday, Jan 28, 2017 | 51 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in siyaasadiisa aysan waxba iska badalin, kaddib kulan uu la qaatay Senator Cabdiraxman Sheekh Maxamed Faroole oo ka soo jeeda Puntland.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qiray in Faroole uu kamid yahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee dalka wax u soo qabtay, marka laga hadlayo xiligii KMG ee loo gudbayay dowlad rasmi ah.

Hogaamiyaaha Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in tartanka iyo xildoonimada ay halkeeda taal, saaxiibtinimada iyo Soomaalinimadana ay tahay arrin kale oo gaar ah.

Ugu Danbeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in Kulanka uu la yeeshay Faroole uusan waxba ka badali doonin siyaasadii uu horay ugu socdo iyo tartankii uu galayay.

DHAGEYSO Codka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud:

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response