Xalima Yarey oo La Kulatay Ururo Siyaasadeed

by Farah C/laahi | Saturday, Jan 28, 2017 | 26 views

MUQDISHO (Garsoor Online) —  Kulankan xubnaha Guddiga madaxa banana ee Doorashooyinka qaranka  ay la yesheen ururada siyaasadeed ee dalka ka jira oo ujeedkiisu ahaa wadatashi ku aadan sida dib u eegis loogu sameyn karo qodobo ku jira sharciga axsaabta ee horay Baaralamanka ay u ansixyeen ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Xildhibanao katirsan Golaha shacabka iyadoo ka qeyb galayaashu si weyn uga doodeen qodobada qaar oo u baahan in wax laga badalo waxaana halkaasi  lagu magaacabay Guddi farsamo oo ka kooban Ururada siyaasadda iyo Guddiga Doorashooyinka.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo loo yaqaano Xaliimo Yarey oo ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banana ee Doorashooyinka qaranka  ayaa ugu horeyn ka warbixsay arrimaha ugu muhiimsan iyo qodobada sida gaarka ah ay uga doodeen labada dhinac waxayna tilmaantay inay jiraan qodobo iska hor imaanaya oo qaba oo quseeya arrimaha xisbiyada oo ku qoran Dastuurka.

Salaad Cali Jeele oo ah Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Midnimada iyo dimuqraadiyadda iyo Cabduqaadir Maxamed Cismaan (Barnamaij) oo ah Gudoomiyaha urur siyaasadeedka kulan oo labudba kamdi ah dadkii kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay inay si dhow ula shaqeyn doonaan Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka qaranka oo shaqadoodu tahay in dalka doorasho qof iyo cod ah ay gaarsiiyaan sanadka 2020.

Xildhibaan Axmed Macaliin Fiqi iyo Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka tirsan Golaha shacabka ayaa dhankooda sheegay in ka qeyb ka qaadanayaan in Baaralamanku dib u eegis ku sameeya qodobada qaar ee ku jira sharciga axsaabta oo la sheegay inay yihiin kuwa iska hor imaanaya.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response