Wiilashii Kufsiga Ka Geystay Galdogob oo La Xukumay

by Farah C/laahi | Sunday, Jan 29, 2017 | 68 views

GALDOGOB (Garsoor Online) — Culumada degmada  Galdogob ee gobolka Mudug ayaa go’aan ka gaaray dhalin yaro kufsi ka geystay degmadaasi bishii la soo dhaafay ee December.

Dhalin yaradan ayaa lagu eedeeyay in ay kufsadeen labo gabdhood, waxana culumada degmada oo lahaa go’aan ka gaarida ay soo saareen xukuno lagu riday dhalin yarada.

Xukunada ay Culumada rideen ayaa ka koobnaa, xarig u dhaxeeya shan illaa toban sano, ganaax lacageed iyo jeedal/karbaash u dhaxeeya boqol illaa laba boqol.

Eedeysanayaasha oo ka koobnaa Lix ruux ayaa waxaa goobta lagu soo bandhigay 5 kamid ah iyadoo mid kale uu wali baxsad yahay sida ay sheegeen ciidamada Amaanka.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa goobjoog ka ahaa halka uu xukunka ka dhacay  waxaana ka mid ahaa Wasiirka Cadaaladda & Arrimaha Diinta Puntland, Saalax Xabiib Jaamac, Wasiirka Haweenka & Arrimaha Qoyska Puntland, Anisa C/qaadir Xaaji Muumin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, General C/qaadir Shire Faarax (Ereg).

Amaanka goobta uu ka dhacayay xukunka ayaa waxaa la sheegay in aad loo adkeeyay, iyadoo walidiinta wiilsha la xukumay dhalay ay ku qanceen xukunka culumadu gaartay.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response