Wiil uu Dhaliyay Hogaamiye Ka tirsan Al Shabaab oo La Dilay – DHAGEYSO

by Farah C/laahi | Sunday, Jan 15, 2017 | 101 views

MAXAAS (Garsoor Online) — Sida uu xaqiijiyay Taliyaha Saldhiga booliska degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Bishaar Faarax qof Maxbuus ahaa ayaa lagu dilay xabsi ku yaala gudaha degmadaasi.

Ninka la dilay ayaa ahaa wiil uu dhalay Gudoomiyaha Al Shabaab u qaabilsan deegaanka Moqolkori ee gobolka Hiiraan.

Dilka ayaa waxaa geystay saakay nin kamid ahaa maleeshiyada deegaanka, waxana la sheegay in dilka uu ka dhacay gudaha Xabsi ku yaal degmada Maxaas.

Taliye Bishaar Faarax ayaa tilmaamay in falka lagu dilay wiilkaasi uu yahay mid naxdin leh isla markaana ay tahay mid ku xadgudbeysa xuquuqda maxaabiista.

Askarigii dilka geystay ayaa ku jira gacanta ciidamada Amaanka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxana taliyuhu uu sheegay in ay ka qaadi doonaan talaabo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Dhageyso Taliyaha degmada Maxaas oo ka hadlaya sida uu falka u dhacay:

Garsoor Online — MAXAAS

Like it? Share it!

Leave A Response